Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhiban Cabdiraxmaan Cismaan Caalin ayaa la sheegay inuu isu soo sharixi doono jagada gudoomiyahagGolaha dhexe ee xisbiga Kulmiye

Hargeysa(MNN) Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ah xubnaha Golaha wakiilada Somaliland ayaa la sheegay inuu isu soo sharixi doono jagada gudoomiyahagGolaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, jagadaas oo uu hada hayo Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) oo isaga iyo Cabdiraxmaan dheere ay isku beel ka soo wada jeedaan, isla markaana ay labadooduba ka tirsanaan jireen ururkii SNM.

cabdiraxmaan dheere

Sida la ogsoon yahay Xisbiga Kulmiye waxa u qorshaysnaa inuu qabsado shirweynihiisii Bishan soo socota ee March 2013, hase yeeshee sida la sheegay xubnaha xisbigaasi ayaa si weyn ugu kala qaybsan in shirka la qabto xiliga kor ku xusan iyo in dib loo dhigo si wakhti loogu helo xalinta khilaaf ba’an oo dhawaan ka dhex dilaacay Kulmiye, kaas oo ka dhashay loolan adag oo qaar ka mid ah xubnaha xisbigu durtaba u galeen sidii ay u hantiyi lahaayeen hogaanka sare ee Kulmiye.

xuseen xarbi /maantasomaliland/Hargeysa office.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com