Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkaddaha Laydhka Ee Sida Gaarka Loo Leeyahay Oo Ku Dhawaaqay Inay 20% Kordhiyeen Qiimaha Laydhka

Hargeysa (msl) Shirkadaha laydhka ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa ku dhawaaqay inay qiimaha laydhka kordhiyeen 20%.

ramaas

Guddoomiyaha ururka warshadaha Laydhka ee sida gaarka ah ee loo leeyahay Eng Cabdi Cali Barkhad oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in qiimaha shidaalka oo aad u qaaliyoobay awgeed ay iyaguna kordhiyeen qiimaha laydhka 20%, taasi oo uu sheegay inay hoos uga soo dhigi doonaan marka shidaalku halkiisa ku soo noqdo.

Cabdi Cali Barkhad oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Shirkdaha shidaalka dalka keena ayaa waxay kordhiyeen qiimaha shidaalka dhowr iyo labaatan doolar, taasina waxay ku keentay shirkadihii laydhka culays, shidaalkiina waa gabaabsi, haddana qiimihii ayaa la kordhiyey, sicirkaa la kordhiyey shidaalku muu ahayn mid ku salaysan qiimaha suuqyada adduunka ka taagan”

Eng Cabdi Cali Barkhad, waxa kale oo uu soo qaaday “Shirkaduhu markay arinkaasi arkeen 20% ayay kordhiyeen qiimaha laydhka, ilaa inta qiimaha shidaalku hoos u soo dhacayo”ayuu yidhi.

Kordhinta qiimaha laydhka ayaa shacabka reer Somaliland ku ah culays aad u badan, inkasta oo warshadihii laydhka dawladda ee lagaga bixi lahaa shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ka bixi la’yihiin muran iyo khilaaf joogto ah, taasi oo ah waxa keenaya in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay shacabka sida ay doonaan ula macaamilaan.

xuseen xarbi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com