Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xubin Ka Tirsan Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Ku Dhawaqay In Uu U Taagan Yahay Gudoomiye Ku Xigeenka 1-Aad

(MSL-Hargeysa) Saalax Guure Amalle oo ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa codkiisa ku biiriyey musharixiinta u tartamaya xogaanka sar sare ee  kulmiye  isagoo sheegay in uu u tartamayo  Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

saalax2

Saalax Guure Amalle oo  Warsaxaafadeed kooban  soo saaray oo uu kaga hadlayo hankiisan, ayaa sheegay inuu u sharaxan yahay Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye,  marka la gaadho Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee la filayo in la qabto wakhtiyad I nagu soo foolka leh,

Warsaxaafadeedkan waxa uu u dhignaa sidan: “Anigoo ah Saalax Guure Amalle oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 26/02/013, halkan ka cadaynayaa in aan u sharaxanahay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye, madaama oo aan ahay xubin xaq u leh in ay isu soo taagto Xilkan kana tirsan Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale, waxa aan la socodsiinayaa murashaxnimadaydan dhamaanba maamulka Xisbiga Kulmiye.”

XUSEEN Xarbi

Hargeysa office.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com