Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Cali Aareeye Oo Beeniyey Inuu Is Casilayo

(MSL Hargaysa)-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ka mid ah xildhibaanda golaha wakiilada ee Somaliland, ayaa meesha ka saaray inuu is casilaayo, waxaanu ka gaabsaday inuu ka hadlo xildhibaanada golayaasha deegaanka ee Saylac iyo Lughaya ee is casilay.
Areeye1

Xildhibaan Aareeye oo ku sugan magaalada Hargeysa waxa uu sheegay inuu arinta xildhibaanda ka hadli doono marka uu urursado war ku filan, waxaanu sidan u sheegay mar uu waraysi siiyey qaar ka mida warbaahinta wax ka waydiiyay aragtidiisa la xidhiidha xildhibaanadaas deegaanka ee is casilay,sida oo kale waxaan su’aalnay wararka sheegay inuu isa casilaayo isaga iyo xildhibaanada beesha Ciise kaga jira golaha Guurtida waxaanu yidhi “May isma casilaayo, haatana waxaan ku suganahay magaalada Hargeya, arintaas xildhibaandana waan ka gaabsaday ilaa aan warar badan helaayo.”

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye ayaa ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee ka soo jeeda beesha Ciise oo cabasho xoogan ka muujisay doorashadii golayaasha deegaanka.

xuseen xarbi

maantasomaliland/Hargeysa Office.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com