Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamulka Puntland Oo Dil Toogasho Ku Xukumay Hogaamiyaha Guud Ee Ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godone .

Boosaaso(MSL) Maamul goboleedka Puntland , ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay hogaamiyaha guud ee ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godone oo lagu eedeeyay in uu masuul ka ahaa weeraro lagu khaarajiyey culimo iyo saraakiil ka tirsanaa maamulkaas. Maxakamada derajada 1-aad ee ciidamada Puntland , ayaa xukunkan ku dhawaaqday maanta, iyada oo sida oo kale la xukumay 11 qof oo kale oo haweenay ka mid tahay,kuwaasoo loo haysto dilka Dr. Axmed Xaaji oo Kamid aha culimada Soomaaliya.

godane “Maxkamddu markay dhegeysatey doodda xeer ilaalinta iyo difaaca qareemada, maxkamaddu markay akhrisatay caddeymaha laga qoray eedeysaneyaasha, maxkamadda markii la horkeenay caddeymo ay bixiyeen eedeysaneyaasha qaar kamid ah…sidaas darteed maxkamaddu waxay ku xukuntay dil toogasho ah” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkmada ciidamada ee Bariga Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan. Liiska magacyada dadka dilka lagu xukumay:- Axmed Cabdi Godane – Hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Maxamed Cali (Mustaf) Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra) Maxamed Abshir Cartan Cabdiraxmaan Maxamed Cali Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane) Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf Xasan Jaamac Xasan (Sudhato) Cismaan Cabdirisaaq Saacid (Khaalid) Mowliid Maxamed Aadan (Gaashaan) Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle) Cismaan Axmed Qaasim (Ayuub)

xuseen xarbi

maantasomaliland.com /Hargeysa Office.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com