Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

madaxweyne Siilaanyo oo shalay Madaxtooyadda si cad ugu quus gooyay Muuse Biixi oo ay kulan u khaas ahaa ka yeesheen

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay Madaxtooyadda ugu quus gooyay Muuse Biixi oo ay kulan Fool ka fool ah ka yeesheen

Waxa uu u soo jeediyay Samaale inuu ka reebo, qabashada shirweynahana loo gacan baneeyo

Hargeysa(msl) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay Aroornimadii Qasriga Madaxtooyadda kulan aanay cidi ku wehelinaynin kula yeeshay Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kulankaas oo Habeen hore ay ka dhabqiyeen Koox Wasiiro ahi.

Xog badan lagama hayo kulanka gaarka ah ee ay Siilaanyo iyo Muuse wada yeesheen, balsew wararka ka soo duul duulay labada dhinac ayaa Waaheen u xaqiijiyay in fara madhan uu Muuse Biixi kala soo baxay Madaxtooyadda , kadib markii uu Madaxweyne Siilaanyo gaashaanka u daruuray soo jeedimihiisii.

Nuxurka soo jeedimaha Muuse Biixi ee uu la hortagay Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inay ahaayeen Shirweynaha Xisbiga Kulmiye in loo gacan banaaneeyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye, in uu qabto bisha Sideedaad ee sanadkan iyo in aanu kula tartamin Wasiirkiisa Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale.

Soo jeedimahan ayaa la sheegay Madaxweyne Siilaanyo dhamaantoodba inuu ku diiday Muuse Biixi, waxaanay wararka ay Waaheen helaysaa sheegayaan Siilaanyo inay ka go’an tahay Sanadka 2014ka bisha Sideedaad inuu qabto, isla markaana ay Xukuumad iyo Xisbiba ka wada qayb qaadan doonaan Maamulkiisa iyadoo loo mari doono Xeerka Xisbiga oo dhigaya Guddi Qaban qaabo in la magacaabi doono.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ku adkaysan inaanau Xisbigu cidna u xidhnayn ee lagu tartami doono haddii ay Wasiir tahay iyo haddii cid kale oo Xisbiga ahba damac ka galo, isagoo ku goodiyay Wasiir Samaale inaanu ka hor istaagi Karin Hankiisa Siyaasadeed.

Go’aamadan uu Madaxweyne Siilaanyo ugu Quus gooyay Mujaahid Muuse Biixi ayaa noqonaya kuwo soo af-jara Ololayaashii iska soo horjeeday ee ka dhex dilaacay Muuse Biixi, Samaale, Madaxweyne ku-xigeenka iyo rag door ah oo kaadariyiinta Kulmiye ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com