Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Cabdiraxmaan (Shadh) oo xildhibaanada golaha deegaanka ku eedeeyey korodhsiga mushaharooyinkooda.

Hargeysa, (msl)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shadh) ayaa xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa ku eedeeyey inay waxqabadkii iyo balan-qaadkii ummadda ka bilaabeen korodhsiga mushaharooyinkooda oo ah talaabadii ugu horeysay ee qaadeen.

Xildhibaan-shaadh

Xildhibaan Shaadh waxa uu sheegay inaan Xildhibaannada laga sugayn inay mushahar kordhin ka bilaabaan hawshii ay ummaddu u dooratay.

“Golihii deegaanka ee caasimada ee dhawaan ummaddu dooratay waxay markii ugu horeysay ku talaabsadeen oo waxqabadkii ka bilaabeen korodhsiga mushaharka ay qaataan, taasina maaha wixii laga sugayay ama laga filayay maaha.” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxa loogu han waynaa inaanay dadka ka shaqaysan, balse talaabadani waa mid muujinaysa balan-qaadkii ay ka baxeen, waayo waxa yaala waxyaabo fara badan oo waxqabad u baahan, kana horeeya korodhsigooda xilligan ee mushaharka.”

Sidoo kale waxa uu xildhibaanku ka hadlay is-casilaada 10-kii xildhibaan ee degmooyinka Saylac iyo Lughaya ee dhawaan shaaciyay is-casilaadooda isagoo sheegay in talaabadaasi tahay mid u baahan in guurti ahaan laga hawlgalo guddina loo saaro, isagoo xildhibaanada u soo jeediyay inay dib uga noqdaan go’aankaasi

by xuseen xarbi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com