Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waa Kuma Hogaamiyaha Cusub ee ururka alshabaab ,yaase loo magacaabay hogaamiyaha cusub ?

Waa Kuma Hogaamiyaha Cusub ee ururka alshabaab ,yaase loo magacaabay hogaamiyaha cusub ?

Addis Ababa,- Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Dawladda Itoobiya ayaa warbixin ay todobaadkiiba mar ka soo saaraan arrimaha geeska afrika waxay ku sheegeen in isbedel lagu sameeyey hogaankii ururka Al Shabaab, taasoo saamayntiisii xilligan ay bilaabatay.

Warbixinta Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in go’aankii dhowaan ay xisbul Islam ugu biirtay Al Shabaab, iyo la wareegidii goobtii ugu danbaysay ee Xisbul Islaam, uu saamayn ku yeeshay guud ahaan Al Shabaab, taasoo keentay in hogaamiyaha guud ee ururkaa Al Shabaab laga dhigo ninka la yidhaahdo Ibraahim Al-Afqaani, isla markaana bedeli doona hogaamiyahii hore ee Al Shabaab Axmed Cabdi Godane “Abu Zubayr”. Waxa sidoo kale lagu sheegay warbixintaa in la daadejiyey maamulkii si meesha loo soo geliyo hogaamiyeyaal kale. Waxaana si gaar ah nin walba loogu magacaabay deegaan gooniya, taa soo la sheegay in Axmed Cabdi Godane “Abu Zubeyr” loo xilsaaray hawlaha kooxda ee Somaliland; waxa sidoo kale loo magacaabay Fu’ad Shongole arrimaha Puntland, waxa sidoo kale la sheegay in Sheekh Muktaar Roobow uu masuul ka ahaan doono arrimaha gobolada Bay iyo Bakool, halka Xassan Turki la sheegay inuu masuul ka noqon doono Jubbada Hoose, oo ay ku jirto Kismaayo.

Ugu danbayn, Muqdisho iyo deegaanada u dhow ayey wada maamuli doonaan Sheekh Cali Dheere iyo Cabdillahi Fazul.

Warbixintaa ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Sheikh Xassan Daahir Aweys la filayo in loo xilsaaro gobolada dhexe, inkastoo xilligan la sheegay inuu nasasho u tegay magaalada Kismaayo. Wadaadkaa hore u haysan jiray ururkii Xisbul Islaam ee lagu biiriyey Al Shabaab, ayaa la sheegya inay haatan khasab ku noqotay la shaqeynta ragii hore u maamuli jiray Al-Itixaad iyo ururukii Maxkamadaha islaamka. Wararka warbixintaa ayaa intaa lagu raaciyey in saraakiil sare oo Xisbul Islaam ka tirsani ay Al Shabaab u gudbinayso xogo ku saabsan hadafkooda,halka maleeshiyaadkii Xisbul Islaam-na la barayo qaabka ay u dagaal galaan Al Shabaab.

Qoraalka wasaarada ayaa intaa raaciyey in Midowgan labadaa kooxood hoosta ka xariiqayo warar hore loogu sheegi jiray inaan Al Shabaab iyo Xisbul Islaam waxba ku kala duwanayn, isla markaana aanay marnaba Xisbul Islaam diyaar u ahayn ka qeybqaadashada arrimaha nabadda.

Xaqiiqada ugu danbaysa ee arrinkan ayaa lagu sheegay inaanu jirin midow, balse ahayd mid Al shabaab la wareegtay ururkaa ay dhowaan guuldarooyinka badeen.

Warbixintan midowga kooxahaa ayaa la raaciyey in saamaynta ay yeelatay durba muuqato, taasoo lagu sheegay in marka koowaad, kooxahii ugu horeeyey ee tababarada la soo siinayo ay ka tageen Somaliland iyo Puntland iyagoo ku sii jeeda Muqdisho, si tababarka ka dib loogu soo celiyo goobahan ay ka tageen. Marka labaad, maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa la keenay Muqdisho, si ay u xoojiyaan weerarada ay ku hayaan goobaha ay maamulaan ciidamada Afrika ee nabad-ilaalinta iyo xoogaga dawladda ku-meel-gaadhku.
hussein harbi
maantasomaliland
hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com