Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Booliska Oo si arxan daro ah Xoog U Adeegsaday Shaqaalihii ku Dhacay imtixaanadii ay wasaarada maaliyadu qaaday

Booliska Oo si arxan daro ah Xoog U Adeegsaday Shaqaalihii ku Dhacay imtixaanadii ay wasaarada maaliyadu qaaday

January 2nd, 2011

Hargeysa (Somaliland.Org)-Shaqaalihii dhacay ee Imtixaankii dhawaan laga qaaday shaqaalaha wasaarada Maaliyada ayaa maanta banaan bax cabasho ah la hortagay Wasaaraddaasi, waxaana xoog ku kala kaxeeyay ciidamo boolis ah oo halkaasi la geeyay.
Shaqaalahan oo ahaa 88-kii qof ee dhacay ayaa cabasho ka muujiyay imtixaankii laga qaaday oo ay sheegeen inaanu cadaalad ahayn isla markaana intii la doonayay la riday.
Waxa la xidh xidhay dad badan oo ka mid ah asaarada Maaliyadda iyo xarunta Madaxtooyada Somaliland, manay jirin cid masuuliyiin ah oo la hadashay hawl wadeenadaasi oo sheegay inay muddo dheer shaqaynayeen.
Ciidanka Booliska ayaa xoog u isticmaalay mudaharaadeyaasha waxaanay kuwii ay qabteen la dhaceen ulo iyo qoryaha dabadooda
Banaan baxeyaashu waxay siteen boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ka mid yihiin “Imtixaanku wuxuu ahaa mid aan cadaalad ahayn oo siyaasadeysan” iyo erayo kale oo kuwaasi la u jeedo ahaa.
Shaqaalihii wasaarada maaliyadda ee dhawaan u fadhiistay imtixaanka oo tiradoodu ahayd 222 qof, waxa baasay 103 qof, halka ay 88 dhaceen. Halka 31 xubnoodna aanay wali gelin.
Guddoomiyaha Ha’yada shaqaalaha dawlada Md. Muxumed Aw Cabdi oo ka hadlay arrinta imtixaanka ayaa sheegay in shaqaalahaasi dhacay loo furayo tababar shaqo isla markaana ay dib ugu soo laaban doonaan shaqooyinkoodii. Waxase uu beeniyay in mushaharadodii la jari doon madoomay imtixaanki dhaceen
hussein harbi
maantasomaliland
hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com