Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha JSL Oo Maanta Kulan Kula Yeeshay Qasriga Madaxtooyada Guddida Caddaalada, Garsoorayaasha Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta Guud Ee Qaranka, Kuna dheeri galiyey Shaqada Ay Qaranka U Hayaan.

Madaxweynaha JSL Oo Maanta Kulan Kula Yeeshay Qasriga Madaxtooyada Guddida Caddaalada, Garsoorayaasha Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta Guud Ee Qaranka, Kuna dheeri galiyey Shaqada Ay Qaranka U Hayaan.

Hargeysa (maantasomalilan) Dec, 30. 2010- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay guddida caddaalada, garsoorayaasha maxkamadaha iyo xeer ilaalinta qaranka, kaasoo sida lagu sheegay War-saxaafadeed kulan ku saabsan oo laga soo saaray qasriga Madaxtooyada uu Madaxweynaha Somaliland kaga xog-waraystay heerka caddaalada dalku marayso, sidii wax looga qaban lahaa wixii caqabado ah ee hortaagan fulinta habka garsoorka hadii ay jiraan iyo sida ay u socoto shaqada garsoorku umada u hayaan.

War-saxaafadeedkan oo uu ku sexeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir [Cukuuse], ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynuhu u cadeeyey bahda garsoorka dalka markii uu kulanka la yeeshay in xukumadiisu mihiimada koobaad siinayso tayeynta caddaalada dalka, isla markaana diyaar u tahay wax ka qabashada wixii gadaloolooyin ah hadii ay jiraan.

Md Axmed Siilaanyo, waxaa uu bahda garsoorka dalka ku bogaadiyey sida ay u wadaan hawsha garsoorka dalka oo uu ku tilmaamay inay dadaal horumarineed ka sameeyeen muddadii yarayd ee ay xukumadiisu jirtay.

War-saxaafadeedka Madaxtooyada Somaliland, isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan, “Madaxweyanaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta kulan Ballaadhan oo uu Qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Guddida Cadaalada, Garsoorayasha Maxkamadaha iyo Xeer illaalinta Qaranka waxa uu ka Cadeeyey in ay Siyaasada Xukuumadu Muhiimada Koobaad Siinayso Cadaalada iyo Garsoorka diyaarna uu u yahay in wax laga Qabto Goldalolooyinka jiri kara ee la xidhiidha Cadaalada.

Madaxweynuhu waxa uu Garsoorayaasha, Darajooyinka kala Duwan ee maxkamadaha ku adkeeyey oo uu si adag ugu Dar-daaray in ay Masuuliyada Culus ee ay ummadda u hayaan sida ay tahay u gutaan, uguna Dadaalaan in ay noqdaan Garsoorayaal Caadil ah.

Madaxweynuhu waxa uu Waaxda Garsoorka ku amaanay Dedaalka iyo u adkaysiga Duruufaha Adag ee ay ku shaqaynayeen intii uu Qarankani jiray waxaanu ku dhiiri geliyey in ay Xil-gudashadoodu noqoto mid la Mahadiyo.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu garsoorayaasha u gudbiyey Cabashada Shacabiga ee Dhinaca Garsoorka.

Ugu Danbayna Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Xukuumadu Diyaar u tahay in ay waaxda Garsoorka iyo Cadaalada noqoto Mid tayo leh oo u qalanta Xilka ay umadda u hayso.

Hadalka uu Madaxweynuhu garsoorayaasha u jeediyey ka hor waxa uu Warbixin Mugleh ka Dhegaystay Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Xeer illaaliyaha Guud, Xubno ka mida Guddida Cadaalada iyo Garsoorayaashii kulanka ka qayb galay.

kulankan uu madaxweynuhu ugu yeedhay Garsoorayaasha, Maxkamadaha Kala Duwan ee Dalka, Xeer illaalinta iyo Guddida Cadaaladu waxa uu ka mid yahay olalaha ay xukuumada somaliland ku doonayso in kor ugu qaado waxka qabadka arimaha gorsoorka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com