Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Markii u Horeysay Faahfaahin ka bixiyey hadal haynta shirweynaha 3aad ee Kulmiye
Hargeysa(hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Markii u Horeysay Faahfaahin ka bixiyey hadal haynta beryahan dembe loogu dardaar werinayo Qabsoomida shirweynaha 3aad ee Xisbigiisa iyo Musharraxiinta ka dhex tartamaytsa. Muuse Biixi Cabdi waxa uu kalsooni buuxda ka muujiyey qabsoomida shirweynihiisa iyo weliba in si dimuqraadiyad ah looga dhex dooran doono Hoggaanka shanta sanno ee soo socda. Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu Jawaab ka bixiyey Saadaal ay qaar kamid ah Siyaasiyiinta xisbigii burburay ee UDUB ka bixiyeen Mustaqbalka Xisbiga KULMIYE, iyaga oo ku tilmaamay in uu xisbul xaakimku haatan qaaday dhabbihii burburka ee uu UDUB maray.Guddoomiyaha xisbiga Talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo shalay Xafiiskiisa Waraysi ku siiyey Weriye Aadan Cabdi Ciidle oo ka tirsan Bahda HCTV, waxa kale oo uu ka hadlay cunaqabatayntii Qaramada Midoobay ka qaaday Hubka Soomaaliya iyo Arrimo kale. Haddaba Waraysiga Muuse uu siiyey Weriye Ciidle, waxa aynu ka soo qaadanaynaa laba su;aalood oo ku saabsan xaaladda Xisbigiisu ku jiro iyo Werwerka ay saxaafadda iyo Siyaasiyiintu ka muujinayaan Aayihiisa dembe. Waxaanay u dhaceen sidan:
Su’aal: Xusbigiinnii KULMIYE saxaafadda iyo Axsaabta Mucaaridka ahi beryahan dembe aad bay u hadal hayaan, tusaale ahaan Cali Waran Cadde iyo Xil. Mataan Hoorri labaduba waxay sheegeen inuu Waddadii UDUB Hayo oo uu burbur ku soo dhaw yahay, Arrintaa bal ka waran oo Xisbigiinna bal dadka uga waran?.
Jawaab: Horta KULMIYE waa xisbi Ballaadhan, Maadaama oo uu yahay Xisbigii talada hayay dadkoo dhami wuu hadal hayaa, waayo qof walba wuu saameeyaa oo dadka doorkiisu wuu danaynayaa. Mida labaad Xisbigu waxa uu joogaa xilligii la qabanayay shir weynihiisii, waxaanu u diyaar garoobayaa inuu qabsado, shirweynaha diyaar garawgiisuna wuu culus yahay waxa laga yaabaa inuu muddo qaato , duruufo kale oobadanina way jiraan, Xukuumaddiina xukunkiina way xaysaa xisbigiina wuu joogaa, Xisbigu markaa waxa uu eegayaa oo uu Madaxweynuhu eegayaa xaaladdan halkaynu kaga hagaajinaa shirweynaha, markaa wuu qabsoomayaa weliba si weynna wuu qabsoomi doonaa waana shir ka weyn kuwa xisbiyadda yaryar ee kale oo ka culus. Mida kale ee aad loo hadal hayaa waxa weeye hebel baa sharraxan iyo hebel baa tartamay, horta xisbi waxaa loo furtaa in lays sharraxo oo xeerka xisbiga laysugu yimaado ayaa ah inaad wax doorato laguna doorto ku kalena soo sharrixi karto, wax ka weyn intaas oo KULMIYE ka yimidna ma jiro, taasna waanu kaga waayo aragsannahay xisbiyaddii Hore.
Shan sanno ka hor markaanu shirweynahayaga qabsanaynay qoladda UDUB intaas uun bay lahayd iyo KULMIYE wuu kala dhaqaaqay iyo wuu ku daayay laakiin intuu ka soo baxay oo uu shirkiina qabsaday ayay nala yaabanaayeen oo uu guul ku dhammaaday laakiin iyagu waa kuwii qabsan kari waayay shirkii, laakiin annagu waanu hubnaa inaanu shirka qabsan doono oo tartan cid kasta u banaan yahay inuu nin waliba is sharrixi doono oo annagoo is raacsan aanu madax ku soo dooran doono, markaa wax lala yaabo maaha arrintaasi (Tartanka/shirweynaha), KULMIYE wuu tartamayaa oo waa xisbi siyaasi ah Wax looga diddayse ma garanaayo, waxaa burbura xisbiga aan doorashada dhexdiisa Ogolayn, waxaa burbura xisbiga aan dhexdiisa ka doodin, waa sidii ku dhacday UDUB.
Su’aal: Guddoomiye, shirkii Soomaalida loogu qabanayay dalka Ingiriiska, shacbigu Walaac weyn buu ka qabaa oo Xukuumaddu wali si cad dadka ugamay jaahil saarin, waxa suuqa laga leeyahay Xukuumaddu Xamar bay inagu wadaa, Markaa bal walaaca uu imika dadku qabo maxaad kaga dawaynaysaan?.
Jawaab: Waxaan u cadaynayaa shacbiga, waxaad doorateen barnaamijkii Xisbiga KULMIYE, hawshaas Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen baanu u igmanay, iyaguna waxay ku soconayaan Barnaamijkii Xisbiga KULMIYE ee ahaa inay u hawl galayaan Somaliland oo ah qaran xor ah oo Adduunku Ictiraafsan yahay. Maxaa u dembeeyey Madaxweynuhu Markii uu la hadlayay labada gole, waxa uu yidhi Boqol sanno haday qaadanayso ka daalli meyno qaddiyada Somaliland. Markaa garan maayo dadku waxay leeyihiin waa nala wadaaye, yaa inna kaxayn kara, yaa tegaya Xamar, Ma laga yaabaa Hasha Geella Cuntee Cabaada Inay yihiin kaas leh Madaxweynaha iyo KULMIYE Socda uu shalay tegey (Xamar) ama uu ka soo noqday, taas lagama warwarayo, KULMIYE ayaa ka waardiye ah oo shacabkoo dhan baa gaadh ka haya, Madaxweynahana Mid taas looga warwarayo maaha oo kalsooni badan baan ku siinayaa.