Somaliland Oo Ku Guuleysatey Inay Uuska Iyo Diggada Ka Sameysay Gaasta
Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr.Cabdi Aw Daahir ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu si rasmi ah u furey Cilmi-baadhis tijaabo ah oo Uuska iyo diggada xoolaha lagaga sameynayo Gaasta la shito, taas oo uu ku tilmaamay in laga isticmaalo gaastaas kijinka Dugsiga Sheekh oo tijaabada lagu sameeyey.
Sidaa waxa Dr.Cabdi Aw Daahir oo ku sugnaa Magaalada Berbera ku Sheegay Wareysi aad u xiisa baddan oo uu caawa Khadka Telefoonka ugu Waramayey Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan Bahda Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com.
Waxa kale oo uu Wasiirku ku sheegay Wareysigiisa inuu maanta dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey Dugsiga Sheekh uu soo dhagax dhigay iyo kooxo dhakhaatiir ah oo uu Wasiirku u kala direy Gobolada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin 19-dhakhtar oo bartey aqoonta hilib baadhista, kuwaas oo look ala qeyb qeybiyey lixda gobol ee Somaliland.
Ugu Horeyn waxuu Weydiinay,Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr.Cabdi Aw Daahir Waxa ay yihiin Kooxdan Dhakhaatiirta ah ee uu u kala direy lixda gobol ee Somaliland, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi
“Waa koox ka soo qalin-jabiyey aqoonta hilib baadhista Dugsiga Sheekh muddo 4-bilood ah,markii horena ahaa dhakhaatiir Xanaanada Xoolaha,markaa waanu kala qeybinay oo lixda Magaalo ee waa weyn ee aad hilibka loogu cuno ayaanu u qeybinay oo gobol-walba sadex ayaanu u dirnay Ceerigaabo,Laascaanood,Burco,Berbera,Hargeysa iyo Boorame iyo mid xarunta ah,19-ka dhakhtar ee weliba takhasus ku soo sameeyey baadhista hilibka,isaga oo mid waliba uu sito xeerkii hilibka ee Golaha Wakiilladu ansixiyey madaxweynuhuna saxeexay.Mashruucaasi waa mashruuc wanaagsan oo maalin sadexaadii (Khamiistii hore) ayaanu kala dirnay”.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr.Cabdi Aw Daahir oo uu wax ka weydiinay Kooxdan dhakhaatiirta hilibku waxay gobolada dalka ka soo fulinayaan,waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi
“Waxay ka shaqeynayaan Goobta (Kawaanada qalista hilibka) waxay baadhayaan hilibka si ay dadku u cunaan hilib caafimaad qaba iyo in hilib caafimaad qaba dabada loo dhoofiyo. Markaa waxay fulinayaan xeerkii aynu imika ansixinay ee ku saabsanaa nadaafada hilibka iyo hilibka tayeyntiisa,iyo in hilib wanaagsan laga iibiyo dadka ama gudo ha joogo ama dibad ha jooge, taas oo ay aqoon iyo takhasus dheeraad ah ku soo qaateen imikana ay ku hawlan yihiin oo ay bilaabeen shaqadii,waxaana gacan naga siisay hay’ada FOA mashruucan bilowgiisi, laakin waxa imika fulinaysa Wasaarada Xanaanada Xoolaha.Dhakhaatiirtan hilibku waxay ka hawlgalayaan Kawaanada hilibka lagu gawraco,Sariibadaha iyo Saylada hilibka, waxay raacayaan nidaamka u dejisan sharciyada hilibka loo maro ilaa marka neefka la qalayo iyo marka la keenayo hilibka suuqa iyo Wershadaha hilibka ku shaqada leh ee hilibka iibgeeya inay iyagana hilibka baadhaan oo ay xaqiijiyaan in hilib caafimaad qaba oo wanaagsan oo tayo leh uu tago waddamada caalamka ee aynu hilibka u iib-geyno”.
Sidoo kale, waxa uu weydiinay Dr.Cabdi Aw Daahir inay suurtagal tahay caqabado ka horyimaadaa dhakhaatiirta baadhista hilibka ee imika loo kala direy gobolada dalka,markaa miyaanay haboonayn ka hor in la wacyigeliyo bulshada,waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi
“Waa runta, inkasta oo go’aanka la qaadanayo ay danni ugu jirto dadka, oo dadka oodhan ma wada raaligelin karo, oo waxa laga yaaba inay dadka qaar u arkaan caqabad ama qof markii hore iibinayey hilib aan caafimaad qabin inaanu jeclaysan go’aan lagu joojinaayo hilibka ama la odhanaayo neefkan aad qashay waa neef aan hilibkiisu wanaagsanayn.Markaa sidaa aad sheegtey waan kugu raacsanay oo waxa ka horeynaayaa oo dhinac socda oo aan mar qudha joogsanayn wacyigelin laga sii daynaayo Tiifiiyada iyo Warbaahinta dalka oo lagu wacyigelinaayo dadka oo xeerka hilibka loo akhriyaayo waxa uu yahay iyo waxtarka hilibka waxaanu aad iyo aad xidhiidh wanaagsan ula sameynay gobolada iyo degmooyinka dalka iyo duqeyda ku nool oo badhasaabyadu nala shaqeeya si fiican ayaanu u wacyigelinay, kolay labada bilood ee soo socota warbaahinta si taxane ah ayey uga soconaysa , si dadka loogu sheego shaqada ay qabanayaan Kooxahan dhakhaatiirta ah hilibka ee isugu jira hablaha iyo inamada eek u takhasusay baadhitaanka hilibka”
Waxa kale oo uu Dr. Cabdi Aw Daahir weydiinay muddada uu soconayo mashruucan 19-ka dhakhtiir ee baadhista hilibku ugu kala maqnaanayaan Gobolada dalka, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi
“Muddo kooban socon-mayso, laakin waligeedba way soconaysa oo waa shaqo bilaabantey, laakin mashruucan qeybtiisa hore waxay soconaysa muddo 7-bilood ah kolba waxaynu u raadinaynaa shaqo-gelin iyo gunadoodii dhakhaatiirtaas annaga oo uga raadinaynaa dawlada ama hay’adahaba ayaanu u shaqeynaynaa haddii ILAAHAY yidhaahdo.Markaa waa mashruuc iyo hawl bilaabantey oo aan dhamaad lahayn”.Ayuu yidhi ku jawaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr.Cabdi Aw Daahir oo aanu wax ka weydiinay muddada uu mashruucani soconayo.
Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu tilmaamay inuu Dugsiga Sheekh uu ka soo dhagax dhigay Dhisme Cusub oo lagu soo kordhiyey Dugsigaasi, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi
“Wasaarada xanaanada xoolaha waxa imika u yaala hawlo fara baddan oo imika waxaan ka imid Sheekh oo maanta waxaanu Dugsiga Sheekh dhagax dhignay dhisme cusub oo laga sameynayo dugsiga xanaanada Xoolaha Sheekh,Xaruntaa sheekhna waa xarunta ugu qiimaha baddan maanta oo u adeegtada Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo dalkaba.Wasaarada Xanaanada Xooluhu waa laf-dhabarteena dhaqaalaha waxaana loo baahan yahay aqoonyahan ka soo baxa. Markaa dugsiga Xanaanada xoolaha Sheekh awal waxa lagu qaadan jirey shahaadada loo yaqaano (Diploma), imika waxaan doonaynaa in lagu qaato diploma-da sare, Shahaadada Digriigaana lagu qaato qeybaha kala duwan ee xanaanada Xoolaha iyo deegaankaaba.”
“Waxa kale oo qorshaha noogu jirta oo aanu maanta tijaabo ku wadnaa in diggada iyo uuska xoolaha laga sameeyo bio-Gas, oo gaas laga sameeyo oo waxaanu maanta furnay mashruuc balaadhan oo dugsigaa Sheekh Cilmi-baadhis lagu sameynayo diggadii iyo uuskii aynu markii hore daadin jirnay oo laga sameynayo Gaas, waxaan filayaa in gobolada iyo degmooyinka kale aanu ku fidin doonto. Waxa kale oo noo suurtagashay in dhakhaatiir ilaa 30- ah aanu u dirnay Gobolada dalka, kuwaas oo ka soo qalin-jabiyey Dugsiga Sheekh iyo iskuulada kale ee Jaamacadaha Ethiopia,Suudaan iyo dibada-ba oo aanu shalay (Jimcihii) u kala dirnay oo aanu u qeybinay Gobolada iyo degmooyinka oo aanay markii hore gaadhi jirin aqoonyahanka Caafimaadku, waxaanu xarumo fara baddan oo xanaanada xoolaha ka furnay degmooyinka dalka, oo waxaanu geynay dawooyinkii iyo qalabkoodii,runtii wax fara baddan ayaa noo qabsoomay oo waxaanu imika dhisnay xaruntii Wasaarada Xanaanada Xoolaha, waxa kale oo noo qorsheysan inaanu seerayaashi sameyno oo aanu oodno oo waxaanu ka bilaabaynaa Aroori,Qolcaday,Alleybaday iyo Wajaale si ay xoolaheena la dhoofinaayo u helaan wax ay cunaan oo ilaa 20-Cisho lagu nasiyo, haddii wakhti jilaal adagina dhaco wakhtiga barwaaqada la xidho oo wakhtigaa jilaalkaa loo fasaxo. Runtii hawlaha wasaaradu si wanaagsan ayey noogu socotaa”
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland oo uu wax ka weydiiyey qaabka nooce ah ayaa diggada iyo uuska xoolaha Gaasta la shito looga sameynayo, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi
“Imika waa tijaabo oo Uuskii iyo diggadii xoolaha ayaa la habeynayaa oo waxa ka soo baxaysa Gaas wax lagu karsado, oo waxaanu mashruuca ka bilownay Sheekh oo imika dugsiga Sheekh waxa wax lagu karsadaa ee la shitaa waa diggadii iyo uuskii laga sameeyey gaasta, markaa waa tijaabo la waddo oo weli may gaadhin heer aynu dibada u dhoofino, laakin marka ay ku filaanto Gobolada iyo degmooyinka dalka oo la wada gaadhsiiyo oo maanta ayaanu tijaabadii ugu horeysay furnay iyada oo kijinkii lagu isticmaalayo Gaasta laga sameeyey diggada iyo uuska xoolaha