Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xiisad Ka Abuurantay Ganacsade Diiday In Dayrka Gurigiisa Oo Waddo Galay la Dumiyo

Xiisad Ka Abuurantay Ganacsade Diiday In Dayrka Gurigiisa Oo Waddo Galay la Dumiyo

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Si Adag u Weeraray Wasiirka Daakhiliga
Hargeysa (Somaliland.org)- Xiisad xoog leh ayaa ka abuurantay markii saaka ay Dawlada Hoose ee Hargeysa isku dayday inay banayso jidka u dhaxeeya Saldhiga Ibraahim Koodbuur iyo Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa iska hortaagay in dayrka gurigiisa oo jidkaasi soo galay la dumiyo Ganacsade Axmed Faarax Xarbi, oo ka mid ah maal qabeenadda waaweyn ee dalka.
Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo hoggaaminayay hawl galkan waddo banaynta ayaa amar ku bixiyay in la dumiyo dayrka guriga ganacadahaasi oo ay horena dawlada Hoose u dumisay hase yeeshee uu dib dhistay. Ganacsadahaasi waxa uu ku dooday inaanu gurigiisu ku jirin wax waddo ah.
Khilaaf iyo muran badan oo dhex maray dawlada hoose iyo ninkaasi ganacsadaha ah ka dib waxa soo dhex galay oo isku dayay inay waan waan ka dhex abuuraan Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Badhasaabka Gobolka Hargeysa Md. Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje), waxaanay kulan goobtaasi kula yeesheen Maayar Ku Xigeenka caasimadda iyo Ganacsadahaasi hase yeeshee waan waantaasi ayaa lagu guul daraystay markii labada dhinac mid waliba ku adkaystay inaanu ka tanaasulayn mowqifkiisa. Waxaana kulankaasi dibadda uga soo booday Maayar ku Xigeenka oo ku tiraabayay kalmado ay ka mid ahaayeen “Walaahi ma yeelayno in ganacsatada waaweyna waddooyinka laga duwo dadka danyarta ahna sharciga lagu fuliyo.” Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu soo jeediyay hindise la xidhiidhay in laba mitir dayrkaasi laga dumiyo isla markaana la daayo 1 mitir oo qudha, waxase arrintaasi gaashaanka ku dhuftay Ganacsade Axmed Faarax Xarbi. Murankaasi wax xal ah lagama gaadhin waxaana maanta duhurkii lagu kala yimid faro madhan, waxase dawlada hoose ku adkaysatay inaanay daynayn dayrkaasi oo ay dumin doonaan maalmaha fooda inagu soo haya.
Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed weyne) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay gobolka Hargeysa isla markaana ka soo jeeda xisbiga tallada haya ee KULMIYE oo goobtaasi tagay ayaa si kulul u naqdiyay Wasiirka Arrimaha gudaha waxaanu tilmaamay inay nasiib darro tahay inuu joomitir ka noqdo wadooyinka iyo jagooyinka dadweynaha. Waxa kale oo uu ku eedeeyay in shaqadii amniga ee dalku ay tahay baylah oo aanu waxba ka ogayn, hase yeeshee Wasiirku arrintaasi dhegaha ayuu ka furaystay oo wax jawaab ah kama uu bixin eedaha iyo dhaliilaha Xildhibaankaasi u soo jeediyay.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo uu weheliyay Maayar Ku Xigeenka caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa saaka dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah oo ay ka binaynayaan jidka 150-ka ee degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaasi lagu arkayay burburka dayrar badan oo ay leeyihiin dad danyar ah oo dawlada hoose dumisay markii la sheegay inay soo galeen jidka. Dadweynahaasi ayaa cabasho ka muujinayay burburka hantidooda loo geystay, hase yeeshee waxay xuseen inay ku khasban yihiin haddii waddo loo banaynayo xaafadooda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa hadal uu ka jeediyay dhagax dhigii jidkan wuxuu sheegay inay dhisme kasta oo waddo soo gala ay dumin doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com