Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga WADDANI Oo Xilal U Magacaabay Masuuliyiin Cusub

 Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa maanta xilal cusub u magacaabay masuuliyiin door ah  oo ka mid noqonaya hogaanada xisbigaas ee kala duwan.

 War-saxaafadeed xisbigaasi  soo saaray, ayaa  u dhignaa sidan:

Ujeeddo: Magacaabis Xilal

 Marwooyin iyo Mudanyaal,

 Tixraac shirkaa xubnaha Hogaanka Xisbiga ee 23 Feb 2013

 Tixraac Shirkii Gudidda Fulinta ee 2 March 2013

 Tixraac shirka xubnaha Hogaanka Xisbiga ee 9th March 2013

 Tixraac Qod. 28aad ee Xeerka Xisbiga

 Tixraac Qod. 29aad ee Xeerka Xisbiga

 Si loo dardargeliyo hawlaha Xisbiga Waxa Hogaanka iyo Gudidda Fulinta isla qaateen in la bilaabo dhismaha qaab dhismeedka Xisbiga.

Iyada oo laga duulayo hirgelinta go,aankaas waxa lagu wargelinayaa xubnaha warqaddu tooska ugu socota in loo magaacaabay xilalka hoos ku qoran.

 1.      Md. Jamaal Jamac Xaamud, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud.

2.      Md. Axmed Xaaji Daahir, la Taliyaha Gudoomiyaha ee Arrimaha Siyaasadda

3.      Md. Axmed Xuseen Fagfagaash, Xoghayaha Maaliyadda.

4.      Md. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), Hanti Dhawraha Guud ee Xisbiga.

5.      Md  Fawsi Xaaji Cabdilaahi Diiriye, Xoghayaha Ganacsiga iyo Warshadeynta.

6.      Xil. Maxamed Wali Cali Xasan, Xoghayaha shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

7.      Dr. Elmi Maxamed Cabdi, Xoghayaha Qorsheynta.

8.      Md. Maxamed Xasan Dirir, Xoghayaha Warfaafinta.

9.      Md. Jamaac Maxamed Cabdi Hilaac, Xoghayaha Deb u dejinta.

10. Md. Xasan Axmed Muuse, Xoghayaha Xanaanada Xoolaha.

11. Sheekh Axmed Cabdilaahi Xuseen (Alimaam), Xoghayaha Garsoorka (Judiciary).

12. Marwo. Roda Cabdi Muuse, Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

13. Md. Cali Cabdilaahi Dagaal, Xogahayha Dhaqanka iyo Hidaha.

14. Md. Axmed Cabdilaahi Maxamed (Dhagayare), Xoghayaha Waxbarashada iyo tacliinta sare.

15. Md. Cabdilaahi Jaamac Daahir (Cabdilaahi Baashe), Xoghayaha Diinta iyo awqaafta.

16. Md. Cismaan Afgaab Nuur, Xoghayaha Golaha Dhexe.

 Xubnaha xilalka loo magaacabay waxa la farayaa inay xilakaas Xisbigu u magaacabay u gutaan si waafaqsan Xeerka Xisbiga, waxaanan ilaahay u baryeynaa inuu fududeeyo gudashada xilakaas? ayaa lagu yidhi Wareegtadaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com