Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Maanta Dhagax-dhigay Wado Cusub Oo Laga Dhisaayo Wadada Boqol iyo Kontonka, ugana digay Cid Kasta Oo Hor Istaagta Waxqabadka dawlada hoose inay talaabo sharci ah ka qadayaan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Maanta Dhagax-dhigay Wado Cusub Oo Laga Dhisaayo Wadada Boqol iyo Kontonka, ugana digay Cid Kasta Oo Hor Istaagta Waxqabadka dawlada hoose inay talaabo sharci ah ka qadayaan

Hargeysa (Maanta Somaliland) Jan. 03, 2010 – Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa maanta dhagax dhigay jid cusub oo laaami ah oo laga dhisayo wadada boqol iyo kontonka oo isku xidhi doonta xaafada kililka shanaad illaa hotelka Maan-soor ee Magaalada Hargeysa, waxaana dhismaha wadadaas iska kaashanaya dadka ku nool xaafadahaas iyo dawlada hoose ee caasimada.

Dhismaha wadadan, ayaa la sheegay in ay ku baxayso lacag aad u tira badan, maadaama jidkani uu ka mid yahay jidadka ugu ballaadhan wadooyinka caasimada mara ee la isticmaalo, sida ay sheegeen masuuliyiinta loo xilsaaray dhismaha wadadu.

Xildhibaan Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka mida xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa iyo Sheekh Maxamed Aadan oo ka mida culimada waaweyn ee dalka, oo ka hadlay halkas, ayaa ka waramay qiimaha ay wadadani u leedahay horumarka iyo bilicda xaafada laga dhisayo, waxaana ay sheegeen in ay tahay wax aad loogu farxo in maanta la arko rajo la sugayay muddo dheer oo hadda midhaheeda la goosanayo, iyaga oo ugu baaqay dadka ku nool xaafadu in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadan.

Ku simaha maayarka caasimada ahna maayar ku xigeenka Maxamed Cabdilaahi Uurcade, ayaa sheegay in dawlada hoose ay wado qorsheyaal lagu horumarinayo caasimada, iyada oo hore ay Magaalada uga soo dhiseen wadooyin fara badan oo laami ah, kuwaas oo hadda la isticmaaalo, isla markaana qurux iyo bilic wanaagsan u soo jiiday caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay munaasabadii dhagax-dhiga wadada, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadweynaha ku nool xaafadaha ay wadadu marto inay gacan buuxda ku siiyaan dawlada hoose oo iyadu ku hawlan samaynta jidkan.

Wasiirku waxa uu sheegay in wasaarad arimo guddo ahaan ay garab taagan yihiin mudanayaasha golaha deegaanka caasimada, wixii horumar iyo waxqabad ah ee ay ka wadaan caasimada gudaheedana ay taageerayaan, isagoo digniin ujeediyey qof kasta oo hor istaaga waxqabka dawlada hoose in sharciga la horgeyn doono oo tallaabo adag laga qaadi doono.

Gabogabadii, waxa uu halkaas ku dhagax dhigay Wasiir Gaboose wadada boqol iyo kontonka ee magaalada Hargeysa oo maanta la bilaabay.

Hussein Harbi

Maanta Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com