Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kulmiye Wuu Karayaaye: Miyuu Kabmayaa, Korayaa, Mise Wuu Kadmayaa? – Qormadii: 8aad.

  1. Qodobka: 28aad ee Dastuurka Kulmiye ee uu Madaxweynuhu soo-jeedintiisan qoraalka ah ku cuskaday hore ayaa loo adeegsaday sida la sheegayo, oo mar kale Golaha Dhexe ee Kulmiye ma adeegsan karo, hadda qoraal kuma hayo ee looga-qaateenkooda Kulmiye ayaa dhammaantood sidaa isku raacsan,

boobeMa hadal ayuun baa la hayn! Xanaftii iyo xadaafiirtii ka dhalatay doorashadooyinkii Golayaasha Degaanka ee 28kii Noofambar, 2012kii ayaa weli taagan? Goor ma ayaa la maareynayaa? Ma circa ayaa looga imanayaa? Tii hore oo taagan ayaa tu’ kale ku darsantay? Murugsanaanta iyo is-maan-dhaafka taagani waa muush. Cid batrool ku sii darta mooyi e’, cid maaro u haysa ama ka werweraysana lama hayo. Maalintii timaaddaba waa mid kale, mid hor leh iyo mid kale, mid curad ah iyo mid kale. Waa tusbax aan dhammaanayn.

Sow tii Timacadde ina lahaa lixdannadii:

“Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye,”

Awoodaha Madaxweynuhu waa Dastuuri oo waa ay qoran yihiin. Awoodahaa uu Dastuurku u qeexay kuma jirto in uu ka taliyo Shirweynayaasha Kulmiye iyo goorta la qabanayo. Madaxweyne Siilaanyo xil Guddoomiyeennimo kama hayo xisbiga Kulmiye, awood xeerka ugu qoran oo uu kaga arrimiyo goorta Shirweynayaasha xisbiga Kulmiye la qabanayaana ma jirto. Madaxtooyadu waa xarun xukuumadeed oo dal iyo dadba u dhexeysa. Xataa, Madaxweynaha waqtigiisa ayaa dadka ka dhexeeya oo ay tahay in uu si caddaalad ah ugu qaybiyo. Werwerkiisu waa in uu noqdaa dalka iyo dadka ee ma aha in uu xisbi uu kursiga ku soo fuulay oo uu xilkiisii wareejiyay isku mashquuliyo. Mise damac danbe ayaa ugu hadhay. Xaq ayuu leeyhay in uu mar labaad Madaxweynenimo siu sharraxo isaga oo raacaya xeer iyo xaagaan wixii ummad ahaan inooga yaalla.

Ma aan sheegin mana diidin in uu odeygu si dadban oo qarsoodiya uga talo-bixiyo xisbigii uu ka soo baxay ee uu Guddoomiyannimadiisa ka doortay Madaxweynenimada. Taa cidina uma diiddana oo malahayga ku qabsan meyso. Madaxweynuhu waa dhex. Dal iyo dadba waa u dhex. Mid doortay oo u codeeyay iyo mid diiday oo ka codeeyayba waa u dhex.

II. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye:

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa soo saaray go’aan uu ku baahinayo xilliga la qabanayo shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye. Aniga oo soo xiganaya wargeyska Waaheen: Tirsiga 6aad, cadadka 1051aad, oo soo baxay maalin Isniineed oo ay Bisha Maarj ahayd 18, 2013ka, waxay qortay:

“Dhinaca kale, Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa u faadhumaysanaya (diyaarinaya) ku-dhawaaqidda cayimaadda rasmiga ah ee wakhtiga Shirweynaha xisbigu qabsoomayo, iyaga oo sida uu Guddoomiyaha xisbigu ku iclaamiyay war-saxaafadeed uu ku cayimay qabsoomidda shirka Golaha Dhexe 11/4/2013ka.”

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye, marka la raaco dastuurkoodu waa uu isugu yeedhi karaa shir Gole Dhexe (Tix-raac Qodobka 30aad ee Dastuurka Kulmiye):

  1. Shirka Golaha Dhexe ee aan caadiga ahayn waxa isugu yeedhi kara:

b. Guddoomiyaha Golaha Dhexe,

t. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ka dib marka ay qoraal saxeexan ku codsadaan saddex meelood meel (1/3) tirada Guddiga Fulinta ee heer qaran, ama afar meelood meel (1/4) tirada Golaha Dhexe ee Xisbiga.

Waxa weliba intaa u raaca in Shirweynaha xisbiga Kulmiye muddo sannad ah dib loo dhigi karo. Arrintaana waxa loo cuskanayaa Qodobka: 28aad ee Dastuurka Kulmiye oo sidaa dhigaya.

Kaasina waa nabar kale.

Halkaa marka xaal-marayo ayuu Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye soo saarayaa qoraalkan hoos ku qoran, isaga oo ku sheegaya shirkiisaa jaraa’id in Hoggaanka xisbiga oo la tashaday Guddida Fulinta ee xisbiga Kulmiye oo ay iyaguna dhinacooda ka soo saareen go’aankan:

“Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE kulan uu maanta oo taariikhdu 17/03/2013 isugu yimi xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa, lagagana wadahadlay muddaynta qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga KULMIYE waxa uu ku go’aamiyey waqtiga rasmiga ah ee qabashada shirweynaha xisbiga.

Hoggaanka xisbigu KULMIYE, kadib:-

  •  Markii uu la tashaday Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE.
  •  Markii uu arkay soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsanayd dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xsibiga KULMIYE, iyadoo la waafajinaayo sharciga iyo nidaamka xisbiga, soo jeedintaas oo Madaxweynuhu uu warqad rasmi ah oo sumadeedu tahay JSL/M/1654/032013, kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.
  •  Markii uu garwaaqsaday, si buuxdana ugu qancay sababaha iyo duruufaha waaqiciga ah ee Madaxweynuhu ku saleeyey soo jeedinta dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xisbiga.
  •  Markii uu arkay go’aanka sumadiisu tahay GDUSAASQ/17/2013 ee ku taariikhaysan 16/03/2013 ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland, go’aankaas oo guddigu ku aqbalay dib-u-dhigista muddada shirweynaha xisbiga KULMIYE (Guddida Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka waa hay’adda awoodda sharciga ah u leh ku kaantaroolida axsaabta, hannaanka iyo waqtiga qabsoomida shirweynaha caadiga ah ee xisbiyada qaranka Somaliland).

Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE si rasmi ah u go’aamiyey in qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga oo hore ugu beegnayd March 31, 2013 dib loogu dhigo December 25, 2013, waqtigaas oo uu si rasmi ah u qabsoomi doono shirweynaha xisbigu. Allaa Mahad leh.”

Waa nabarkii saddexaad.

Hadda waxaynu ka hadlaynaa waa xisbi keliya oo intan go’aammada soo saaraysaaba meel qudh ah wada joogaan. Meeshu waa ceelka Herer ee Hargeysa.

Ma laga yaabaa in qaarkiin is-leeyihiinba ninkan/odeygan Boobe maxaa waxan daba dhigay ee uu isugu mashquulinayaa? Anigu xisbiga Kulmiye kama tirsani, xisbi kalena kuma jiro. Waxaan is-leeyahayba weligaa ma aad gasheen. Laakiin qof muwaaddin ah ayaan ahay oo garaadkiisii iyo garashadiisiiba la caayayo. Waxaynu ku qasban nahay in aynu waxyaabahan iyo wixii kale ee la mid ahba ka gilgilanno oo garashadeenna iyo fahamkeennaba muujinno.

Waxaynu ku qasban nahay in aynu Xukuumadda iyo Dawladda ku ilaashanno in ay Dastuurkii Qaranka ee aftida loo qaaday ku shaqaynayaan oo ay ixtiraamayaan. Waxa kale oo aynu ku qasban nahay in aynu xisbiyada Qaranka ku ilaashanno Dastuurrada iyo xeerarka ay iyagu dhigteen ee aynaan inteenna aan ka tirsanayni la qorshayn lana agaasimin. Xisbiga Dastuurkiisa ixtiraami waayaa, mid Qaranna ka cabsan maayo mana ixtiraami doono, innagana haadaan aynaan arkayn ayuu inagala boodi doonaa.

Ha moodina hana u qaadanina in aynu ka hadlaynno xisbi arrimihii. Xaashaa lillaah! Waxaynu ka hadlaynaa waa aayaheennii, waa aayihii dalkan iyo dadkan tabaalaysan ee gurmadka u baahan ee aan u baahnayn gorgortanka, gaaf-wareegga iyo go’aan-qaadashada gurracan ee weliba siyaasadeed.

Waa halkii uu Shahiid Aadan Sheekh Maxamed oo Aadan-shiine loo yaqaannay 1987kii ka odha jiray: “Isku raalli-gelin meynno waxa dhiig la og yahay ku daadanayo.” Aniguna maanta halkaa Aadan Shiine taagnaa halkeedii ayaan joogaa oo waxaan leeyahay: “Isku raalli-gelin meynno waxa dhiig la og yahay ku daatay.” Shahiid Aadan-shiine iyo shuhadadii kalena haddii ay nool yihiin, sidaas ayay odhan lahaayeen, dhammaantoodba Ilaahay ha u wada naxariisto e’.

 

(La soco……………………………………)

 

Qalinkii: Boobe Yuusuf Ducaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com