Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maanso: Abwaan Aadan Tarabi oo soo Saaray Maanso Cusub oo la yidhaa Laba Dacaalay

(maantasomaliland.com)Maanso: Abwaan Aadan Tarabi oo soo Saaray Maanso Cusub oo la yidhaa Laba Dacaalay

Maansadanu cusub ee uu Abwaanka caanka ah ee Aadan Tarabi soo saaray ayaa Abwaanku kaga hadlay xigkamad cusub, isla markaana uu kula sheekaystay diin, kaasoo warraysi uu siixiyey Wariye Xuseen Xarbi sheegay ku sheegay in maansadan ujeeddada ay xambaarsan tahay tahay mid mucjiso ah oo aan wali laga hadal.iyadooo ay abwaanka wada sheekeesanayaan diin waakan tafatiraha guud ee maantasomalilad wariye xuseen xarbi oo ay aadan ugu waramay qisadii diinka iyo abwaanka

Haddaba, maansadan cusub waxay u dhigan tahay sidan;

Dooraad baan maray dariiq

Diin baa iga soo hor baxay

Wuxuu yidhi daw hayaw

Dadwaan kuu garanayaa

Dalan dool baanad tahay

Deg degna waa kugu jiraa

Dulqaad ii muujiyoo

Daqiiqado isu kay yar taag

Dhegaha iigu deeq cabaar

Damiirkaa iigu qasboo

Markii hore waxaan daxyey imay dad ii yeedhayaan

Markaan dayey ee hubsaday

Inuu baaqu diin ahaa

Durtaba jidhiidhicaa dhammaan

Jidhkaygii wada dartayoo

Daren yablaa i galay

Waligay diin hadlana

Doraad ka horow ma arag

Waxaan idhi duur ku jire!

Haye diinow warkaa

Wuxuu yidhi daw hayaw

Daa’imkeen wuxuu khalqaday

Dunida waa u gaabinaa

Waxaa taa nagaga daran!

Dubaax annagoo ahoo

Hilibkayagu dibada yaal

Dugaag iyo haad u wadhan

Oo ay na duuduubinayaan

Ayaannu daa’im baxinayooo

Ducadii naga aqbalay

Dushuu naga saaray qolof

Qofas buu nagaga daaday

Dahaadh buu nagaga xidhay

Sidii cidi naguma dayn

Dacwad baannu kuu dhiibaynaa

Caalamka dawladaha ka jira

Dunida noogu wada wargee!

Doodii la wadaagayoo

Waxaan idhi duur ku jire

Daboolbaa kugu qafilan

Qafasbaa kugu dul xidhan

Dayr dhaafka dhaxanta iyo

Dabyluhu kuma dhibaan

Dugsi baad kaga jirtaa

Dugaaguna kuma karee

Waa maxay dayacaadaad qabtaa?

Wuxuu ydihi daw hayow

Digashaan u arkayaa

Hadduu dooguba qalalo

Dibnaha waxma saarnoo

Ilaa dirirada gugiyo

Dayrtaan ka dhursugnaa

Waxaannu daaqnaa carmada

Markaan soo dibad baxnana

Dugaag gaadh naga hayoo

Diyaar noo wada ahoo

Markaannu afarta duubi iyo

Luqunta dib u ceshano ee

Dahaadhka ku aaminana

Ayuun buu xoor dardarani

Docdaa naga soo gala

Daluun buu noo qodaa

Baal dalleg buu noo ridaa

Dabadeed isma rogi karnee

Sidaasuu nagu dilaa

Waxa taa nagaga daran

Markuu daad soo rogmadee

Dooxada nagala tago

Dadkuna nooma gurmado

Isaga geed waynba daa

Darista ma cuskanoo

Dabaashana maba naqaan

Waxa taa nagaga daran

Dudadiinaanu tubanahoo

Dadkaannu ku dhex noolnahoo

Daryeel idinkuma qabnee

Carrurtaad nagu dirtaan

Dudumo sidaannu nahay

Dushay nooga wada baxaan.

Diinow barakada dhig bay

Dayartu ku hadaqaysaa

Haddii diin barako sido

Duligaa kuma jirneen

Haddaad daacad noo tihiin

Darxumadan ma qaayibneen

Duudsigaa kuma jirneen

Danbi baad naga gasheen

Dunuub culus aadmigaw

Dilaaga libaaxa iyo dad qaadka shabeelka iyo

Yeydiyo iyo dacawadiyo

Dubkaa bad iyo bariba

Barafka durdurinayee

Damalkeed kaga eeratana

Sidii daanyeer u kora

Waraabaha dawdarka ah

Daalinkaad jeceshihiin

Ugaadhi dunida iyo

Dameer faraw iyo geri

Quruxda la daawan jiray

Lo’ dibadeedkii dhammaan

Dyarbaad ugu soo xidheen

Dugaagaad xannaanisaan

Kuwaa suntan daadiyiyo

Kobrahaad daajisaan

Anana duul qaranahoo

Dunida waxaannu nahay ku nool

Dadkiina iyo duunyadaba

Dirkayagu waxba uma dhimo

Duur joogtana waxaannu nahay

Dariska idiinku dhaw

Waxba yaan daw hayow

Hadalka kugu daalinine

Gargaar dar Ilaahiyoo

Degdegaan u baahnahay!

Daliishaday inay run tahay

Diinkuna xaq u leeyahoo

Gar iyo daw inagu tahay

Haddana dayro iyo deeq

Midnaba uma dacal dhibine

Tusaalaan u dul maroo

Waxaan idhi duur ku jire

Warkaagii iga daadagyoo

Dabaaqaygana galyoo

Dulucdiisii gartee

Dantaadaad ka hadashee

Wax badan baa kaa dahsoon

Dadadan xannuunka lahe

Dacartiyo xumada lehe

Didmada iyo naxdinta lehe

Damaqshiyo nabarka lehe

Durayga iyo oofta lehe

Doogtiyo kacdoonka lehe

Dardhashiyo dhaxanta lehe

Dabkaiyo ololkiisa lehe

Digadiyo dhamacda lahe

Dulinkiyo oonka lehe

Dayawgiyo anbadka lehe

Dayarta tahriibtay lehe

Badaha ku danbaysay lehe

Dardartiyo kibirka lehe

Dagnaantiyo ku qabso lehe

Daacada ku hungoowalay lehe

Dulqaadka nacasoobay lehe

Samrika ku dilooday lehe

Darlaafta haraaday eeg

Haddii loo dayn lahaa

Daadaa maax u noqon lahayd

Waxay ka dareeriyaan

Dareelayda fuuqsan lahayd

Waxaan diinoow ku idhi

Wax kuu daran waxa uu daran

Diinow aad ka hadlaysaa

Anaga way na daashatee

Malaa way idin dihneed

Xasuusna dib ugu noqo

Darbada foosha kulul

Daan jiriidkay is dhaafsadaan

Dumarka weeye la soco

Dibaaqana waxay gashaan

Da danba ha isku dhalin

Daliil se rabaaniyoo

Ku daabacan baa se jira

Markay xaylka dib u heshana

Raxmadii ku soo degtaa

Ninkeedii loo daalacshaa

Dadkaana ku beermay sidan

Duqsigu waa faraxashaa

Haddana meel xuma kama durkoo

Dirxiga kama ag foga

Intaanay dib liqin biyahu

Ayey daaqoodii hore

Dameeruhu ka luq-luqdaan

Libtiyo nin lehbaa daldalan

Runta iyo magacaa dafiran

Waxa daran oo ka daran

Diin iyo imaan ninkii

Dar Alla u huwaday

Ayey danbi iyo xasarad

Dushaa ka marmarinayaan

Waxa dulman oo ka daran

Kuwii soo duway biyaha

Durdurka kama cabaan

Daasadna lama ogola

Inuu ceelka darsado

Dixdiina waa soconaysaa

Dibadu ka taagan yahay

Darbaa inoo dhago laayahay

Indhaha ka daboolan yahay

Iyagu danigooda qaba

Isagu ka dubaalad dheer

Wuxuu dadayuu arkaa

Ka sii dadayuu arkaa

Ku sii dadayuu arkaa

Ku wada dadayuu arkaa

Shaxduu dagayuu arkaa

Ka sii dayguu arkaa

Ku soo dayu arkaa

Ku wada degayuu arkaa

Siduu u dalbuu yaqaan

Ka sii dalbay buu yaqaan

Ku soo dalbayuu yaqaan

Ku wada dalbayuu yaqaan

Wuxuu damcay buu ogyahay

Ka sii damcay buu ogyahay

Ku soo damcay buu ogyahay

Ku wada damcay buu ogyahay

Dantiisa watuu yaqaan

Ka sii danle buu yaqaan

Ku sii dan le buu yaqaan

Ku wada danle buu yaqaan

Hadalka ku daybuu yaqaan

Inuu ku dayuu yaqaan

Waxaan diinoow ku idhi

Dareen inuu kugu galiyo

Dawaan sidan kaaga dhigay

Dunidu way kula qabtaa

Duudsigaad sheegaysee

Bal eeg mawjadahan dardaran

Dabaylaha ay sitaan

Bal eeg daruurahan madaw

Dayaxay qarinayaan

Bal eeg daabadahan casilan

Bal eeg qalimadan duuxdiyo

Dufanka khadka looga dhigay

Bal eeg digo xaadhka la mari

Siday uga duulayaan

Dalalkii u qanisanaa

Bal eeg boqorada daldalan

Daraan is ogayn iyagu

Bal eeg dadkan barakacaya

Qaxoontiga isdaba socdee

Qaaradaha daadsan eeg

Aniguba laba diblaan

Dartood uga xidhnahoo

Dibay iigu celinayaan

Duumaale, halkaan ka imid

Ririta laygula jiraa

Dagaalkii labaad ka weyn

Dyauurado kuma rushayn

Kuguma soo dumin cirkuna

Dhlkuna dee kulama go’in

Dumida meel nabad qabtana

Duurkaad kaga nooshahaad

Diinow kaa jirtaan ku idhi

Intuu diinkii yaabay buu

Mar walba doc u jeestayoo

Dabeetana waxa uu yidhi

Wixii aan doonaayey iyo

Wixii aan damacsanaba

Caandhuuftaydaan dib u uga liqay

Dunidana Eebahay

Anbiyuu u soo diroo

Waxyiga ku soo dajoo

Dadkuu uga dhigay masuul

Anagu isumaba darnine

Waxbana isma diidane

Diinkuna isma xaasidee

Dadkiina saw u daran

Adaaban kuu diir naxee

Ducaan kugu daraye

Orad

Waxaan idhi duur ku jre

Duruufuhu waa jiraan

Dadaalbaa se ila gudboon

Dawladaha reer galbeed

Ingiriis baa ugu da’ weyn

Dalada boqortooyadiyo

Difaaca Maraykankyo

Ubaaba aan kugu diro

Arjiga soo daabacoo

Dad baa se loo baahan yahay

Dabuubtaada turjuma

Miyey diin afgaranyaan?

Adigu daw buu i yidhi

Dabdbaw iman doonoo

Darbaw faahfaahinoo

Dabeetana way afgaran

Ugu danbayntii laba dacoolay

Dawhaye iyo duur ku jira

…..Dhammaad….

One Response to Maanso: Abwaan Aadan Tarabi oo soo Saaray Maanso Cusub oo la yidhaa Laba Dacaalay

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com