Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo saaray guddi ka kooban shan wasiir oo xal ka gaadha shaqaaqooyin muddooyinkii u danbeeyay soo noqnoqonayay oo ka taagan deegaanka Ceel-bardaale

magacyada shanta wasiir ee u madaxweynaha somaliland u magacaabay xal u helida shaqaaqooyinka ceelbardaale ee deegaanada gabiley iyo boorama ay isk hayaan

Hargeysa,January, 04, 2010-(maantasomaliland)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo saaray guddi ka kooban shan wasiir oo xal ka gaadha shaqaaqooyin muddooyinkii u danbeeyay soo noqnoqonayay oo ka taagan deegaanka Ceel-bardaale

Gudida Uu Madaxweyne Silaanyo magacaabay waxa ka mid ah odayaal iyo madaxdhaqameed ka soo kala jeeda labada beelood ee isku haya deegaanka Ceel-bardaale, sidaana waxa faafiyay war saxaafadeed uu maanta uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), hase yeeshee war-saxaafadeedkaasi laguma sheegin magacyada iyo xubnaha guddidani.

Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

Ayaa Maanta Magacaabay Guddi uu u xilsaaray Arrinta Ceel-bardaale, Guddidaas oo ka Kooban Shan Wasiir iyo Odayadda Labada Dhinac ee Ceel-bardaale Isku Haya Ka Soo kala Jeeda.

Madaxweynuhu Waxa uu faray Gudida in ay sida ugu dhakhsaha badan u guddo galaan hawsha uu u xilsaray oo ah inay xaqiiqo rasmiya ka keenaan sida ugu haboon ee Lagu soo Af-jari lahaa Arrinta Halkaa ka Jirta, si dhakhso ahna Xal looga Gaadho.

Guddiguna waxay Balan qaadeen inay Sida ugu Haboon ee ay Xal u arkaan ee ay Arrintaa loo Xilsaaray uga soo tallo bixin lahaayeen ay ku dadaali doonan.”

Wasiiradda Madaxweynuhu u magacaabay Arrintan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Duuliista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Cadaallada
hussein harbi
maantasomaliland
hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com