Marka hore Ilaahay baa mahad leh nimcooyinkiisa aan lasoo koobi karin inagu galadaystay, Marka kale Rasuulkeena suuban SCWS ba mahad leh Diinta wacan inoo kenay, Marka klae waxan  saalamaaya dhamaan dadka af soomaliga ku hadla.

Waxaan arkay oon la yaabay, ninkii dhamaa masuul Soomaliya ka dhigatay oo intuu garbaharey tegey xabaashii marxuumki Siyaad bare isdul taagey oo yidhi waa u ducayanayaa, idinkuna cafiya.Marka hore waxa quman inuu si asluub leh oo private ah usoo booqdo isagoon aan sawiro iska qadin, sababtoo qofku haduu dhinto xurmo iyo  ixtiraam buu mudan yahay, hadayse ka dhab tahay booqashadaasi oo uu is yidhi waa Madaxweynayaashii soomaliya soo maray, waxa haboonayd inuu Madaxweyne Abdi Rashiid Cali Sharmaarke oo weliba shahiid ahaa gacan ka xaqdarani dishey soo booqdo, Aadan Cabdilaahi Cismaa( aadan cade) oo labaduba xamar ku aasan yihiin soo booqdo oo uu joogey, kaba soo qaad in aanu awood uu ku soo booqdo aanu lahayn oo amaankiisu khatar geli karayey, waxaa la yaab noqonaysa inuu Gaalkacayo ka degey Madaarkii marxuun Cabdilaahi Yuusuf loogu magac daray oo xabaashiisu u muuqato muu soo booqdo. Waar ileyn anagaa wax aragnay.

Kelmeda cafiska umada iska leh inay qofka cafido maadaama u masuul qaran ahaa, anigoo axmed ahaan aaminsan in cafisku aad u wacan yahay ILAAHAYNA jecel yahay qofka ama umada wax cafida, waxayse ku quman tahay maadaama reer Maxamed Siyaad Bare meel kasta addunka joogaan inay iyagu weydiistaan umada soomaliyed cafis, bulshada Soomaaliduna waa dad qalbi wacan waxaana aaminsanahay inay aqbali lahaayeen

 Mudane Raysal Wasaare  maalin dhoweyd waxa kaa so yeedhay( inaad tidhi Inakstoo aanan anigu taa hubin ),a) Somaliland haday nagu kalifayso xoog ban ku qabsanayaa,labadan kalese waa hubaa ee soo socda  b) Maxamed Cali Samatar anaga damanad qaadanay  hanalagu soo wareejiyo,c) hadana marxun Siyad bare hala cafiyo, xage wax ku wadaa, ileyn anagaa wax aragnay, bal hada muraayda isku eeg oo isweydii waayo Siyaad bare keligii, suashu waxa weeye:

1) Ma waxaad u jeedaa keligii ba dembiile ahaa oo madaxweynaaysha kale dembi may gelin

2) Ma waxaad leedahay isagaan is xignaa oo kuwa kale waxba igama gelin

3)Ma waxaad leedahay reer Somalialnd ba ka hadhi waayey aan ugu qus goynaya oo waxaad taagan tahay sidii ninkii yidhi        “Daartu  Daar bay Daalibaysaa ana Duul baan u dal leeyahay”.

4) Ma marxuunkaa ayad karaahiyo usoo jiidaysaa in dib loosoo hadal qaado oo hadal hayntiisa

5) Hadalka ah “ISKA CAFIYA” hadal qof loo quudha maaha kelmada ” Iska”

6)Mudane anigoo aad kuu xushmayanaya qiimaynayana mansabka aad Soomaali u hayso malaga yaabaa inaad adigu wadahadalada u bilaabmaya Soomaaliya iyo Somaliland aad caqabad ku noqoto ood sii fogeyso hadaladan ama ficiladan xasaasiga ah aad ku kacayso.

7) Mise hiil baa kay tahay adoo shaadhki dawladnimo xidhan baad isleedahay wax ku tar, mase laga yabaa inay noqoto inay sidii gabaygii Salaan Carabey noqoto  e ahaa” Hadaad ficil hinaasiday asaad hiilin kari weydo ma afkad ku ciil bixi cidlaad ka hanjebeysaa”

Ugu dambeyn Mudane Saacid dadku waxay kuu igmadeen hawl aad uga balaadhan oo ka weyn Colaada ama xumaanta aad Somaliland u hayso dadkanina Ilaahay bay leeyihiin waxaana colaada ku cadayana meelihii xasaasiga ahaa ee dadku is ilowsiinayeen baad taatabanaysaa, waxase jirta xaqiiqna ah maanta sidii Wiilwaal ” ina Rag walaalo wuxuu ku dhaamo malaha”, dadka waa laysu soo jiida lagana ilaaliyaa wixii ay dhibsanayaan adigoo markastana dib u raacaya taariikhaha adduunka soo dhacay ilaa hada ayaan lagu dhicin in laga hadlo Yuhuuda xasuuqoodii ee Hitlar, adiguna waxaad dhaqdhaqajinaysa weli maydadkii oo lafihiisii meel kasta yaalo dad aan weli aabayashood iyo hooyooyinkood ama walaalahood ama qaraabadood aan ka samrin.

Umada reer Somaliand waa dad aad u samir badan,  maantana magaalooyinka Somaliland cid kasta way degan tahay wayna soo dhoweeyaan, taasi waxay kuu cadaynaysaa inaan xumaani ku jirin ayna yihin dad cafiska jecel.

 

 

 

ILAAHAY BAA MAHAD LEH

 

Ahmed Saeed Xiir

 Gudoomiyaha Xaqsoor ee Ottawa,Canada

 ahmedsaeedxiir@yahoo.com