Hargeysa (maantasomalilamd)- Cuqaasha iyo waxgaradka beelaha ay u dhaxaysay colaadii deegaanka Ceel bardaalle, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ay ku soo afjarayaan coladdii mudada dheer deegaankaasi ka aloosnayd.
Heshiis Laga Gaadhay Colaaddii Ceel Bardaalle caawa oo lagu qabtay gurigii hore ee madaxwayne siilaanyo Iyo Khudbadihii Masuuliyiinta Xukuumadda
Hargeysa (maantasomalilamd)- Cuqaasha iyo waxgaradka beelaha ay u dhaxaysay colaadii deegaanka Ceel bardaalle, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ay ku soo afjarayaan coladdii mudada dheer deegaankaasi ka aloosnayd. Heshiiskaasi oo la xidhiidhay inay aqbaleen in Nabadgelyo iyo wada hadal lagu furdaamiyo colaadii dhex taalay beelahooda.
Kulankaas lagu saxeexayay heshiiskaasi oo lagu qabtay Gurigii hore ee Madaxweynaha waxa ka soo qeyb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo 7 Wasiir oo ka tirsan xukuumadda, cuqaasha iyo waxgaradka labada beelood iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, oo ka hadlay furitaankii kulankaasi waxa uu yidhi “Waxa loo fadhiyaa arrin Illaahay agtiisa ku weyn, bani’aadamka agtiisana ku wayn oo ciddii suluxa iyo nabadda ka shaqaysana ay adduunkeeda iyo aakhiradeeda wax weyn ka helayso, Illaahay waxaan ka baryayaa inuu inagu guuleeyo nabadda oo ay noqoto mid waarta oo qarankeena iyo ummadeenuba ku waaraan.
Sidaad ogtihiin dhibaatadda ka jirtay deegaanka Ceel-berdaale way soo jiitantay wakhtiga Illaahay qoondeeyey ayuun baanu xalkeedu dhacayaa, anaga oo ku rajo wayn in markaanu odayaasha quluubtooda eegnay in wakhtigaasi qaaliga ahi yimi, kuna rajo wayn in midho wanaagsan dhalanayaan,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, isaga oo intaa raaciyey “Nabaddu shakhsi kasta waa u dan, dalkeena Somaliland maanta indho gaar ah ayaa lagu eegayaa oo doorasho xor iyo xallaal ku dhammaatay ayeynu ka soo baxnay, maamul si nabad ah look ala wareejiyey ayeynu soo marnay, markaa caalamku indho gaar ah ayuu inagu eegayaa nabadeenana wuu qiimaynayaa, xukuumadda oo uu hoggaaminayo madaxweynuhu waxa ka go’an in nabadda oo ah hantida ugu qaalisan ee aynu haysanayo la siiyo mudnaanta koowaad, maadaama aan wax kale la’aanteed la qaban Karin.”
“Waxaannu halkan idiinku yeedhay idinka ayaa wax badan muujiyey oo soo dhaweeyey wax badan, wadaxaajoodkeena iyo wadahadalkeenu wuu socon doonaa, hasayeeshee galabta (shalay galab), waxaan isla garanay in aan nabaddii xidhano, wadaxaajoodkana la barbar wado, ummadeeniina ugu baaqno, waxaan hadda bilaabaynaa in nabaddii u baahan tahay in la sugo oo la adkeeyo, idinkaana (Cuqaasha labada reer) ummadda la hadli doona oo qorshaheenu waxaa weeye in idinka oo gacmaha ishaysta aad deegaankii tagtaan, dadkii la soo hadashaan, nabaddii xasillisaan oo kalsoonida aad anaga (xukuumadda) na siiseen aad goobtii (Ceel-berdaal) gaysaan, kadibna muddo kooban oo laba maalmood gudahood ah wadaxaajoodkeenii ku soo noqono oo sii wadano,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isaguna madal-qayilaadeedkaasi ka akhriyey qoraal ay cuqaasha iyo odayaasha beesha reer Xareed (Gabiley) iyo reer Maxamuud Nuur (Awdal) saxeexeen, kaasi oo nuxurkiisu ahaa inay daacad ka yihiin , isla markaana adki iyo ballanqaad ku bixinayaan in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka Ceel-berdaale.
Waxa isaguna kulanka ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga u mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaadatay nabadaynta deegaanka Ceel-berdaale.
Md. Muuse Biixi oo ka hadlayay sida loogu baahan yahay in colaadii labadaasi beelood loogu bedelo walaaltinimo iyo wax wada qabasi wuxuu yidhi “Nabadda deegaankan marxalado badan ayey soo martay, maantana si taam ah oo buuxda ayeynu ugu dhawaaqaynaa, in badan oo kalena way ku soo biiri doontaa wanaagga, haddaba nabadda aynu doonayno ayuun baynu doonaynaa in aynu isla garano, nabadda aynu doonaynana nina nin ku dulmiyi maayee caddaalad, wax isaga tanaasul iyo isku garawshiyo ayaa lagu galaa. Nabaddu ma xidhanto haddaanu qof waliba diyaar u ahayn waxa uu doonayo inuu isagu badh ka tago. Marka nin waliba damaciisa badh ka tago ayey nabaddu timaaddaa, waayo wixii la isku khilaafay ayaa meesha yaal, qodobka labaad ee nabaddu u baahan tahay waxa weeye bani’aadamkii is khilaafay in xidhiidhkoodii la wanaajiyo, haddii labada qof ama kooxda is khilaafay aanu xidhiidhkooduba wanaagsanayn oo aan qofba qofka kale xaggiisa wanaagga ka doonayn nabaddu way fogaataa.”
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in mushkiladda Ceel-berdaale soo jiitamaysay in ka badan kontomeeyo sannadood, iyada oo muddadaasba cilaaqaadka dadku sii xumaanayey, isaga oo xusay in wixii xumaan ah ee la kala tirsanayo iyo qof walba dhinaciisa fiican laga eego, waxaannu sheegay in si nabad waarta loo dhaliyo marka hore la wanaajiyo cilaaqaadka iyo is aaminaadda dadka dhexdiisa.
Waxa Md. Muuse Biixi Cabdi sheegay in nabaddu ku dhisanto marka la helo afar qodob, waxaanu yidhi; “Sida la tijaabiyey nabaddu waxay ku dhismi kartaa afar qodob oo kala ah; midi waa runta in la sheego oo runtu way adagtahaye qofka dhibta gaystay yidhaahdo ‘hebelaw anigaa innankaagii dilay ee i saamax.’ Marka qofku wixii uu sameeyey sheego waa run, ta ku xigtaa waxa weeye, marka kii wax sameeyey runta sheego, qofkii wax lagu sameeyey marka runta loo sheego waxa isagana laga rabaa waa saamaxaad, wixii ku gaadhayna waa inaad ka bogsataa, haddii kale dhibtu ma dhammaanayso.
Labada kale ee nabaddu ku dhismaysaa waxa weeye caddaaladda, haddii caddaalad la waayo oo markaan garamayo anigu aan caddaaladda ka tago oo wax aan ogahay inay gaf igu tahay aan aftahanimo ku jiidho, nabaddii ma soconayso, ka kalena waa xaqa in la eego, marka qodobadaasi yimaadaan ayey nabaddu imanaysaa.
Waxaannan odayaashiina ka baryeynaa oo oga fadhinaa in nabaddaasi aad ku dhamaysaan si caddaalad ah oo xaq ah oo run isu sheeg ah, intayada kalena dushaanu idin kala soconaynaaye.”
Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage oo ku hadlayey magaca odayaasha beesha Reer Xareed ee deegaanka Gabiley, waxaannu yidhi; “Haddaanu nahay dhinaca Gabiley waannu aqbalnay heshiiska iyo tallooyinka na loo soo jeediyeyba, waananu ku shaqaynaynaa, waannu ku caddaalad fail, waananu ku qanacsanahay in xukuumadayada iyo labadayada guddiba aanu heshiishan ku fulin doono dantayada oo ku jirta awgeed.”
Oday Cabdillaahi Cali Xuseen oo isaguna u hadlay odayaasha ka socday dhinaca deegaanka Dilla (Reer Maxamuud Nuur), waxa uu yidhi; “Waxa maanta ii muuqda farxad weyn oo aan awal jiri jirin, aad iyo aad baan ugu faraxsanahay, maanta abtiyaashayo oo anaguna aanu abti u nahay oo abti isku wada nahay oo collaadi na dhextimi in aanu maanta nabad isku dhexfadhino faraxad bay noo tahay. Illaahay waxaan ka baryayaa inuu midhodhal fiican naga siiyo nabadda maanta loo gogol xaadhayo, nabaddu dawladay dan u tahay, anaga iyo abtiyaashayo ayey dan noo tahay.
Waxaanan aad ugu boggaadinayaa in nabaddu aanay afka baarkiisa noqon ee ay labadayada dhinacba wax calloosha ka soo go’da noqoto oo sidii dad isdhalay tallada u dhamaysta in Illaahay naga dhigo, nabaddaa aanu isdhinac fadhino Illaahay ha ka jasaa;isiiyee waxa sahan u ahaa Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage, inta raacday Illaahay jasaa’i ha ka siiyo, nabaddaasna waannu ku raacnay oo caloosha iyo niyad ayey naga tahay inay arrintaasi nabad ku dhammaato oo carruurahayaha iyo lafahayaga ayey u dan tahay.”
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulanka qayilaadda ah ee nabadda lagu kala saxeexday ka hadlay, ayaa yidhi “Runtii waxaan u mahadnaqayaa odayaasha labada dhinac ee aanu muddada dheer hawsha ku soo wada jirnay, aniga oo caddaynaya in dawlad ahaan wax aanu dusha kaga keenay aanay jirin ee mudadda hawshu socotay oo ilaa labada toddobaad ah ay walaalahayo hawsha u soo diyaargaroobeen oo iyagu noola yimaadeen oo u soo diyaargaroobeen in arrintan oo muddo badan soo jiitamaysay ay inta badan iyagu dhexdooda dhamaystaan oo wax dusha kaga yimi aanay jirin, isla markaana ay tahay rabitaan ka yimi labada beelood ee wallaalaha ah.
Ka dawlad ahaan waxaannu u xilsaarnay si waddahadalkooda loogu fududeeyo guddi wasiiro ah oo amar u haysta in wixii odayaashu u baahdaan u dhameeya, markaa waxaan wallaalahayga labada dhinac ku guubaabinayaa Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘Ninba meesha cuncunaysa isagaa xoqan kara ee cid kale uma xoqi karto, haddii aaydaan idinku hawsha idiin taalla dhamaysan cid kale idiin dhamayn mayso, idinkaa garanaya meesha idin cuncunaysa oo cid kale oo idiin garanaysaa ma jirto, haddii aad dhamaysan waydaana cid wax idiin dhamaynaysaa ma jirto, waxa aynu afka ka sheegayno ee nabadda ah aynu ficil u beddelno oo aanay caloosheena iyo afkeenu kala duwanaan, wixii nabadda idinka carqaladaynaya diyaar baannu u nahay in aanu gacan bir ah ku qabano.”
hussein harbi
maantasomaliland
hargeisa