Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Haween Hilibleyaal Ah Oo xidhiidh la leh Maayar Jiciir Oo Ku Mudaharaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha

Haween Hilibleyaal Ah Oo xidhiidh la leh Maayar Jiciir Oo Ku Mudaharaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha
January 9th, 2011

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Illaa Kontameeye haween ah oo ka mid ah Hilibleyaasha magaalada Hargeysa ayaa maanta mudaharaad salmi ah oo ka dhan ah Wasiirka Daakhiliga Md. Maxamed Cabdi Gaboose la hortagay Wasaarada Arrimaha Gudaha.kaasi oo ay kaga cabanayeen tallaabo uu Wasiirku ku kala diray Guddidii Iskaashatada Hilibleyaasha ee Nafaqo ka dib markii khilaaf xooglihi soo kala dhex galay Hilibleyaasha oo ku muddo dheer ku muransanaa sharciga Hoggaanka ururkaas.
Waxaana loo balansan yahay in la doorto hoggaankii ururkaasi maalinta Isniinta ee barri, iyadoo ay taageereen inta badan xubnaha Iskaashatada Nafaqo.
Haweenkan oo ruxayay Boodhadh daabacan iyo qoraal ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay kaga soo horjeedeen Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaana ka mid ahaa “No Gaboose, ha dhaco Wasiirka Arrimaha Guduhu iyo erayo kale oo nuxur ahaan kuwaasi la mid ahaa.”
Mid ka mid ah horkacayaasha mudaharaadeyaashaasi oo ka hadlaysay dareenkeedda ayaa ku tiraabtay “Cadaalad darro ayaa na soo saartay, waxaanu nahay Hooyooyinkii shaqaysanayay ee muruqmaalka ahaa. Waxaanu lahayn maamul hadda ka hor. Waxaas oo hooyo ahi Hilible weeyaan waxaanu diidan nahay faro gelin uu nagu sameeyay Wasiirka oo sheegay inuu kala diray gudidayadii sharciga ahayd.”
“Wuxuu yidhi Wasiirku UDUB iyo UCID baan xaadhayaa Cadaalad darro ayuu nagu hayaa, 80 qof oo hilible ah oo uu isagu wato ayuu geeyay Hoolka dawlada Hoose oo uu ku yidhi doorta Hoggaanka ururkiina. Nooma talliyo. Anagaa Guddi ahayn 21 xubnood ayuu meesha ka saaray,”ayay tidhi Haweenaydaasi Hilibliha ahi.
Ciidanka Booliska ayaa xoog ku kala kaxeeyay haweenkaasi oo sida qaarkood ay sheegeen ka mid ahaa koox Hilibleyaal ah oo ka amar qaata Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo isagu faro gelin ku hayay Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo oo uu ku cadaadin jiray inay hoos tagaan shirkada kawaanka maamusha ee Maandeeq, oo sida la sheegay maayarku saami ku leeyahay.
hussein harbi

maantasomaliland.com
hargesisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com