Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Talaalkan Xoolaha waxaanu kaga hortagaynaa xanuunada Xoolaheena Kusoo socda

Hargeysa (Maanta Somaliland)-Wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland ayaa maanta laba kooxood oo dhakhaatiir ah u kala dirtay shan gobol oo ka mid ah dalka. Halkaasi oo laga soo fulin doono wacyi gelin la xidhiidha talaalka xoolaha oo ay wasaaraddu dhawaan ka bilaabayso shantaasi gobol oo kala ah Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil, Tog-dheer iyo Sool. Xaflad lagu sii sagootinayay labadan kooxood ee wacyigelinta oo lagu qabtay xarunta wasaarada xoolaha waxa ka soo qeyb galay masuuliyiinta Wasaaradaasi iyo dhakhaatiirta xoolaha ee hawshan fulinaysay. La Taliyaha Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Maxamuud Cali Giirre, oo ugu horayn xafladaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxa maanta Wasiirku sii ambo bixinayaa dhakhaatiirtii u ambo baxaysay gobolada bari iyo kuwa galbeed.iyadoo dhawaan wasaarada xanaanada xooluhu ay tallaal ka bilaabayso cudurada adhiga ku dhaca. Gaar ahaan sadex cudur oo adhiga ku dhaca oo kala ah cudurka sun sunka, cudurka sambabka riyaha iyo cudurka furaqa adhiga. Markaa kooxihii wax talaalayay way ka dambeyn doonaan laakiin kuwani waa kooxihii wacyigelinta ka sii samaynayay deegaanada miyiga ah.” Agaasimaha Guud ee wasaarada Xanaanada xoolaha iyo deegaanka oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi “Waxaanu diraynaa kooxihii u horeeyay ee wacyigelinta xoolaha. Waxaana ka dambeyn doonta tallaalka xoolaha laga tallaalayo furuqa, sambabka riyaha, dabo-karuubka iyo susunka. Waxa loo dirayaa dhakhaatiirtan wacyigelinta gobolada Awdal, Maroodi jeex, Sool, Tog-dheer iyo Saaxil waxaa loo diri doonaa illaa toban Kooxood waxaanu talaalkaasi dhawaan bilaabmayaa wuxuu socon doonaa muddo lix bilood ah. Maadaama oo ay xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka.” Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo horumarinta miyiga Dr. Axmed Xaashi Nuur (Oday) oo ka hadlay gabo-gabadii kulankaasi wuxuu yidhi “Waxaan doonaynaa in dalka oo dhan lagaga haw galo talaalka adhiga idaha iyo riyahaba. Talaalkani ma aha cudur imika jira oo xoolaha haya hase yeeshee waxaanu ka talaalaynaa mid soo socda. Labadan kooxood ee imika baxayaa ma aha kuwii wax tallaalayay ee waa kuwii dadka wargelinayay. Waxaanay ka fulinayaan wacyigelin tuulooyinka iyo miyiga ah. Ka dibna waxa ka dabo tagaya 10 kooxood oo wax tallaalaya. Labadan team-na waxaanu u sii dhiibaynaa xoogaa dawooyin ah oo aanu ugu tallo galay haddii ay la kulmaan xoolo xanuunsanaya inta ay meelahaasi marayaan ay siiyaan. Xiligani waa Jiilaal waxa xoolaha loo sii fadhiisanayaa meelaha biyaha laga qabo waana laga hawl galayaa.” “Dadku waxay is weydiin karaan shan gobol ayaa laga shaqeynayaaye’e maxaa Gobolka Sanaag looga tagay, shantan gobol afar ka mid ahi waxay xad la leeyihiin Itoobiya. Gobolka Saaxil ayaa ku dheeraad ah gobolkaasna xiliga jilaalka ayay riyuhu tagaan xeebta cudurka sambabkana riyaha ayaa u faro badan, waxa gobol walba ka hawl geli doona laba kooxood. Lixdaasi bilaabood waxaanu doonaynaa inaanu ku wada tallaalo xoolaha Somaliland oo dhan”ayuu yidhi Wasiirku.

By Hussein Harbi,Hargeisa Somali land
Phone Number: 4492093

Email Address: harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com