Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

ALLaybaday(maantasomaliland)- wafti balaadhan Oo uu hor kacayay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Barlamaanka JSL ayna ku waheliyeen socdaalkiisaasi,


ALLaybaday(maantasomaliland)- wafti balaadhan Oo uu hor kacayay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Barlamaanka JSL ayna ku waheliyeen socdaalkiisaasi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Axmed Xaashi Oday, Wasiirka Cadaalada Pro. Ismaaciil Muumin Aare, Wasiirka, Hawlaha guud iyo guriyaynta,Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka shaqada iyo shaalaha, Ilhaan Maxamed Jamac, Wasiir kuxigeenka Waxbarasha iyo tacliinta Sare, Cali Xaamud Jibriil,Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan ,Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada, Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, Agaasimaha guud ee Warfaafinta Axmed Saleebaan dhuxul oo uu waheliyo Agaasima Waaxeedka waaxda qorshaynta iyo tababarada Mukhtaar Axmed Sh Aadan (Mukhtaar Taysa) Agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha C/laahi Xuseen Cige, Badhasaabka Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh , Agaasimaha Guud ee beeraha C/laahi Ismaaciil Farax, Agaasimaha guud ee Deegaanka Muxumed Muuse X Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo golaha deegaanka iyo aqoon yahano kasoo jeeda degmada Gobolka Gabiley iyo Odayaal .

Hadaba waftigaasi waxa loosoo dhaweeyay si heer sare ah taasi oo dadwaynihii soo dhaweeyay,ayay lulayeen caleemo qoyan iyo Calanka soomaliland, kadibna waftigii waxa uu joogay muddo saacadaha maadaama oo uu Maamulka Degmadu Qado usameeyay, kadib waxa bilaabmay qudbadihii Masuuliyiintaasi waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday C/risaq Sh C/laahi, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa” kusoo dhawaada Degmada Allaybaday oo ka mid ah Gobol waynaha Gabiley waxaanu si guud uga hadlay Xaalada Degmada Allaybaday,waxa sidoo kale isna halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh waxaanu yidhi “Degmada Allaybaday waxay ka mid tahay Degmooyinka Gobolkan Gabiley hormoodka ka ah, Markay sidaa tahay waxa aan odhan lahaa kolay shirwayneyaal noocan oo kale ah oo isbahaysiya in laqabto waa lagamamaarmaan imikana waxaan odhan karaa waa isbahaysi dadkii shaqaalaha ahaa iyo dadwaynihii ayaa ka shiraya bal dantii lawada qaban lahaa oo araa la isku dhaafsanayo, haddii uu wasiir yahay iyo haddii uu baarlamaan yahayba,waxa siddoo kale halkaa ka hadlay Wasiirka beeraha Farax Cilmi Geedoole waxanu hadalkiisii ku bilaabay dadwaynaha Degmada Allaybaday waxa ay ku talaabsadeen horumar wax ku ool ah balse roobabkii gu’gu ayaa waxyeelo soo gaadhsiiyay balayo aad u badan oo boqolka dhaafay waxaanan Hayadaha Caalamiga ah kuwa maxaliga ahba aan fariin u dirayaa in dhibaatooyinkii gaadhay balayadaasi ay wax ka qabtaan iyaga iyo dawladuba si umada waxsoosaarkeedii aanu dhib u dhac ugu iman waxsoosaarkii degmadan Allaybaday,intaasi kadib waxa lagu soo dhaweeyay Makarafoonka Wasiirka Cadaalada Pro. Ismaaciil Muumin Aare waxaanu yidhi “waan ku faraxsanahay in aan imaado Allaybaday oo ah Deegaankaygii waxa kale oo ku faraxsanay tijaabada ay Reer Allaybaday sameeyeen ee fiican oo ah Allaybaday oo dry land ah in ay tahay hadana meesha Somaaliland iyo dalalka jaarka ahba ay khudrada siiso,taasina waxa ay ina tusaysaa sida aqliga bili aadamku uga faa’idaysankaro deegaan adag, waxa kale oo ay reer Allaybaday I waydiisteen Jeel, waaba ay haystaan lacagtiisii waana degmooyinka aanu ku faraxno ayay ka mid tahay dad waxoodii qabsaday oo wax iigu dark u yidhi dawlad ma dhibinba waana siddii la rabay waana sidda shacabka laga rabo marka reer Allaybaday arinkoodu waa Maqbuula.

wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ,Cali Xaamud Jibriil waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi”waa markii horaysay ee aan Allay-baday imaado balse aniga oo yar oo 5 jir ah ayaan wajaale joogi jiray laakiin maanta ayaa iigu horaysa aadbaanan ugu faraxsanahay in aan imaado Allay-baday,marka xiga waxa aad mahad balaadhan ugu celinayaa ka wasaarad ahaan Ururka Horumarinta Waxbarashada Allay-baday UHWA oo ka hirgaliyay school aad u farabadan Degmada Allay-baday iyo macalimiin dhawr iyo sodon ahna bixiya gunadooda ayaan aad ugu mahad naqayaa ,kawasaarad ahaan maalin dhawayd odayaal baa ii yimid oo ii keenay liis ah macalimiinta aan ka gunaysnayn Wasaarada Waxbarashada taasi oo aan sanadkan wada gunayno.

Macalimiintan Degmada Allay-baday waxka dhiga ee bilaa gunada ah Dugsiyada Hoose ,Dhexe oo dhan hadii Fee laga qaadi jiray waa la joojinayaa ,waxa macalimiinta D/hoose dhexe ah ee aan dugsiga sare ku jirin, waxa loo kordhinayaa mushaharaatka wixii iskuul dhisme loo baahanyahay ama dayactir waxa aan gudoomiyaha degmada ka codsanayaa in uu hadda noo soo gudbiyo oo ay soo gudbiyaan magacyada iskuulada ay baahan yihiin in la dayactiro ama loo dhisaba si aan sida ugu dhakhsaha badan aan ugu dalbo waxa kale oo an hadalkayga ku soo gunaanadayaa iyadana keena baahida iskuulka boarding ka ah ee xidhinta

Waxa ina hadlay wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Xuseen Axmed Caydiid dhamaan waftiga waan salaamayaa runtii farxad bay noo tahay maanta aan halkan idinkula qadayno oo waxo gaa is way daarsano wax qabadka degmadu u baahantahay iyo bal wixii daraan ah ee aanu ka aragno deegaanka guud ahaanba baahiyihiisa aanu soo aragnay aad iyo aadjna runtii waxaanu ugu faraxsanahay gobolka gabiley ilaa saaka oo aanu soo maranay, wasiiro ayaanu nahay masuuliyad guudbaa naga dhexaysa oo xukuumad baanu ka wada tirsanahay , mid gaar ahaaneed oo aanu kala leeleenahayna way jirtaa, markaa hadiiii aan anigu ka hadlo hawlaha gaar ahaan ii khuseeya runtii way balaadhanyihiin ,waa wasaarad aad u balaadhan oo in badan la isba dhigdhigo weeyi hawlaha guud , guryaynta iyo gaadiidka , waxa badan baa is bada socda hada run ahaantii awoodayadu markaad eegto ,magacyada badan ee is daba socda sida ay isku daba socdaan taam uma wada aha, oo meesha waxba ugumaanaan iman dhawrkaa bilood ee aanu joogno balse hawlaha guud waa tii maanta wax ka qabanlahayd dhaamamkaa jabay, waana wasaarada wixii infructure ka la yidhaahdo wax qabadkeeda laga sugaayo hadii iskuulyahay ,adeegsiga iyo
 
 
Waxa kale oo isna ka hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa waxaanu yidhi waxa aan ka hadlayaa arinta dhuxusha ee aad ka cabateen kaasi oo uu socdaalkayguba ahaa qadawga iyo dhuxusha laga shidayo waxaan reer Allaybaday uga fadhiyaa Odayaashaasi aan Magacyadooda sheegayo in la iisoo xidho taasi oo aan u sheegayo Badhsaabka Gobolka, Taliyaha Qaybta iyo Gudoomiyaha Degmadaba in la iisoo qabto waayo waxa aan kala xisaabtamayaa dhibaatada ay qadawga ugaysteen Anigu markii hore waxaan rabay in aan ka hadho waftiga oo aan joogo oo aan mitir mitir usoo maro balse imikana waan kusoo noqon doonaa markaa qofkasta oo qadawga dagan inta uu wax ka qabsan karo uu buu leeyahay ee yeelan mayo in uu dhuxul ahaan u iibiyo geed galool ah ama ku Qudhac ah oo lagu qayilo oo nagama go’o geed mijin jaad ah la siistaa.

Waxa iyaguna sidoo kale ka hadlay Wasiirada Shaqada iyo arimaha bulshada iyo wasiir kuxigeenka Caafimaadka,Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Arimaha Gudaha,
Ugu danbaytiina waxa hadlay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/casiis Maxamed Samaale waxaanu yidhi , waxaa xusid mudan sidda uu sheegay mayarka degmada allaybaday 114 balay ku yaala magaalada allaybaday waxaa nasiib daro ah in badan oo ka mid ahi in ay daadadkii wax yeeleen oo in wax laga qabto ay u baahantahiyiin waxaanan u sheegayaa cid kasta oo ay khusayso dowlada , haayadaha caalamiga ah waaanu wargalinayaa in ay u baahantahay allaybaday gurmad deg-deg ah, oo ah in balayada wax laga qabto sidda aynu lasoco runtii balayadu waa nolosha aasaasiga ah deegaanka iyo guud ahaan dalkaba ,ee biyaha lagu kaydiyo dhaamamka waxay u yihiin cabitaan xoolaha waxa kale oo lagu waraabiyaa beeraha taas waa sidaa.

maanta waxaa halkan maraya 9 wasaaradood iyo golohii wakiilada rag ka tirsan waxaanad moodaa in aah dawladii somaliland siday u dhamayd ay gobolka Gabiley iyo Degmooyinkiisa in ay ku dhantahay guul guulwayn weeyi ayuu hadalkisii kusoo gababagabeeyay Mudane Samaale.
mahamuud hasan abdilaahi
maantasomaliland.com
alaybaday
s

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com