Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dadweynaha Koonfurta Sudan oo Saaka u dareeraya Goobaha Codbixinta aayo ka tashiga

Dadweynaha Koonfurta Sudan oo Saaka u dareeraya Goobaha Codbixinta aayo ka tashiga
Hargaysa(maantasomaliland.com)- In ku dhaw afar milyan oo u dhashay Koonfurta Sudan ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta aayo ka tashiga, oo ay ku kala dooranayaan inay qayb ka sii ahaadaan Koonfurta Sudan iyo inay ka madax banaanaadaan.
Sida ay ku soo warameen weriyayaasha warbaahinta madax banaan leh ee Somaliland u jooga magaalada Jubba ee xarunta Koonfurta Sudan, Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, Maxamed-Amiin Jibriil Cismaan iyo Amaal Maxamed Ismaaciil, ilaa toban gobol oo kala duwan ayaa laga soo waramayaa inay aftidu ka dhacayso, iyada oo ay dadweynuhuna aad u sugayaan.
Saacad weyn oo tirinaysa waqtiga ay aftidu dhacayso ayaa badhtamaha magaalada lagu sameeyay, iyada oo ay ay dadkuna aad u sugayaan.xiliga ay aftidu bilaabmayso oo ku beegan sideeda subaxnimo ee aroorta oo ay hada ka hadhsanyihiin ilaa sideed boqol oo minute
waxaana maanta magaalada juba ee caasimada u ah dalkan cuusub ee midawga afrika kusoo biiraya maalinta beri ah ee koonfurta sudan oo noqonaya dalkii 54-aad ee midowga afrika waxaa shirar jaraaid oo ay arintaa kaga hadlayaan ku qabtay m/weynaha dalka k.sudan SALVA KIIR,wasiirka arimaha gudaha ee koonfurta sudan,GIAYAR CHUANG,gudoomiyaha gudida doorashooyinka,CHAN REES MADUT, iyo senoter JOHN CERRY, waxaana hadaldoodii ka mid ahaa
maantoo kale inaanu aragno mudo dheer oo 54-sanadooda ayaanu sugaynay waananu ku faraxsanay inay nabad ku dhacdo .sidaana waxaa yidhi madaxweaynaha koonfurta sudan oo shaay galabtii shir jaraaid ku qabatay qasrigiisa madaxtooyada ee magaalada juba
Qolo nasoo weerartay labaanu ka dilay 32-kalena waanu ka qabanay xagay u yaaceena waaanu kadaba tagnay welina baadhi taan keedii ayaa socda .
sidaana waxaa yidhi wasiirka arimaha gudaha mar uu shalay duhurkii xafiiskiisa kula hadlay saxaafada .\
Waxaa maanta cokooda dhiibanay 4milyan oo ruux oo 52% ay haween yihiin waxaanay ku dhici doontaa xaalad wanaagsan anagoo wax kasoo loo baahan karo daboolay amaba qabyo tiray ayuu yidhi gudoomiyaha gudiga doorashooyinka ee dalka koonfurta sudaan mar uu shalay subaxdii saxaafada kula hadlayay xafiiska wasaarada warfaafinta ee magaalada juba ee caasimada dalka koofurta sudan,
Waxay dunida caalamku la socotaa waxa halkan ka dhacaaya labada dhinacba waan la kulanay (salva kiir iyo al-bashiirba )labada madaxweyne ee koonfurta iyo waqooyiga sudan oo aad ayay ugu kalsoon yihiin natiijada kasoo baxda aftidaa waxaanay sheegeen inay ixtiraami doonaan wixii halkaa kasoo baxa
sidaana waxaa yidhi senotar JOHN CERRY oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka dalka maraykanka oo saxaafada kala hadalay qasriga madaxtooyada dalka sudan
mahamedrashiid muhumed faarax

maantasomaliland.com
juba(southersudan)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com