Safarkii Ethiopia Iyo Horumarka Ku Dayashada Mudan ee ee laga hirgaliyey dalkaasi
Safarkii Ethiopia Iyo Horumarka Ku Dayashada Mudan ee ee laga hirgaliyey dalkaasi
Warbixin:Barkhad-ladiif M. Cumar
Shan sano ka hor ayey ahayd wakhtigii iigu dambaysay dalka Itoobiya, markas oo deegaanada Soomaalidu ay ahaayeen meelo aan horumari ka jirin, isla markaana aanay ardayda wax u soo baratay aanay ku soo noqon jirin deegaankooda iyagoo ka cabsi qaba in la wanjala ama la iska xidho.
Arrinku sidii wuu ka duwan yahay, waxa ka socda mashaariic farobadan, marka aad wajaale ka baxdo ilaa Itoobiyada kale waxaad arkaysa mashaariicda kala duwan ee ka hirgalay, hadday ahaan lahayd waddooyinka iyo dhulka beeraha ah ee wax soo saarka leh, dhulkaasi way ku yartahay ama maba jirto seero ama dhul nin kaligi leeyahay oo uu iska ootay, haddii ay dhacdana waa laga gubaa.
Itoobiya dhulkeedu waxay u badan yihiin buuro, hadana waxa ka soo baxa dalagyo kala duwan oo loo dhoofiyey dalal badan oo caalamka ah, waxaad ka fahmaysa in qofkii dadaalaa meel walba ka soo saari karo wax soo saar.
Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo dhawr iyo tobankii sanadood dalka ka talinayey ayaa ah nin firfircoon, isla markaana si weyn uga duwan madaxdii ka horeeyey ee ay dalka ka xoreeyeen, waxa uu waxbarasho iyo ilbaxnimo baray ummad laga ilaalin jiray waxbarashada oo madaxdii kala duwanaa ee Itoobiya xukumi jiray ay adoon san jireen, waxa uu sameeyey fadaraal, si qolo waliba gaarkeeda isku xukunto isl markaana dadkeeda u horumariso.
Waa ra’isal wasaare doonaya inuu dalkiis horumariyo, isla markaana uu ka mid yahay madaxda Afrika hogaamiya, waxa ku yaalla dalka Itoobiya xarunta laga maamulo ururka midowga Afrika, taasina waxay u suurtagalisay inuu awood dheeraad ah ku yeesho qaarada afrika.
Wuxuu miyiga iyo dhulkii qorfahaha ka soo saaray shacab badan, kuwaas oo uu ka dhigay kuwo u fikira shacabkooda, taasina ay keentay inuu mashaariic badan oo miyi iyo magaalaba ahba uu ka fuliyo dadkiisa.
Dalka itoobiya oo mar walba laga sheegi jiray abaaro iyo gaajo ayaa hadda u muuqda inuu abaarihii iyo gaajadii ka takhalusay.
Dalka Itoobiya wuxuu hadda iska dhigay quwad weyn oo ku taalla bariga Afrika, talana laga waydiiyo arrimaha ka dhacay guud ahaan qaarada gaar ahaan afrikada bari.
Itoobiya waxa lagaga hadla in ka badan sideetan luuqadood, waxa ku nool dad kala diimo, dhaqan iyo kala mabadi’ah, iyadoo taasi jirto waligeed khilaaf dhexdooda ahi ma dhicin, qolo waliba waxay ku jeedaa danaheeda.
Ra’isal wasaare Males Sanaawi ayaa si ay ugu fududaato xukunka umadda faraha badan ee uu xukumo guud ahaan dalka u qaybiyey shan Zone, Zone kasta waxa uu ka dhigay ismaamul hoosaad, isagoo is raaciyey intii isku dhaqan ah ee is fahmi kara.
Ra’isal wasaaraha Itoobiya Males Sanawi ayaa hore u ahaa jabhad in badan u dagaalamayey dalkiisa, markii uu qabsaday waxa uu isku dayey inuu qoomiyadaha ka jira aanay kala furfurmin, sidaa darteed Ra’isal wasaare Males waxa uu sameeyey talaabooyin horumar ah, isla markaana waxyaalihii ay mucaaradku ku dhaliili jireen doorashadii hore ee 2005 kii ee dal daloolooyinkiisa iyo meelihii uu iinaha siyaasadeed ku lahaa ka faa’iidaystay oo ka soo baxay, isla markaana isagoo is leh waad gudatay waajibkii ummada isla markaana dhaliiilihii loo soo jeedin jirina ee lagu sheegay maamulkiisana is yidhi waad gufaysay ayuu mar kale isku soo taagay doorashada, isla markaana helay taageerada ummadiisa.
Horumarka uu sameeyey waxa ka mid ahaa in dad cawaana ahaan jiray ama waxbarashada aan loo ogolayn ay wax bartaan oo uu ilbixiyo, waxa uu sameeyey mashaariic horumari isagoo dalal badan oo ajaanabi ah oo uu ku jiro China uu dalkiisa keenay si ay uga qaybqaataan horumarka dalkaasi.
Waddooyinku waxay ka qaybqaataan isku socodka bulshada iyo ganacsiga, isagoo taas aaminsan ayuu wadanka ka sameeyey wadooyin cusub oo waaweyn, taas oo sahashay isku socodka iyo ganacsiga, isla markaana dhaqaale badan ka helay waddooyinkaasi.
Dalka Itoobiya waa dhul buuro iyo iyo jararka u badan, isl amarkaana waddo kasta oo la sameeyo ay ku baxaan lacag aad u xag dhaaf ah oo malaayiin dollar ah, isla markaana aad garan kartid dhaqaalaha laxaadka leh ee ku baxay, waxa kale oo arkaysaa waddooyinka la sameeyey oo sida buurta Sheekh oo kale isku daba noqonaysa, waxaana u sabab ah buuraha iyo dhagxaanta waaweyn ee uu dhulku u badan yahay.
Waddooyinkaasi waxa uu fududeeyey hawlihii bulshada, waayo barigii hore marka aad Itoobiya tagtid waxa dhici jiray in aad u dhexdid Jigjiga, ka dibna aad aroorta hore ka raacdid gaadhi, halkaasna kharash iyo hoteel aad gasho ku soo biirto safarkaaga, waayo waddooyin fiicani ma jirin, balse imika sidaas way ka duwan tahay, waxa laga yaabaa adigoo meel kale u dhexin inaad markiiba heshid baabuur u socda halka aad doonaysid, wakhti walbana socda, taasna waxa suurta galiyey waddooyinka laamiga ah iyo amniga.
Horumarka kale ee la xusi karo waxa ka mid ah xaga isgaadhsiinta, walow ay qaali tahay isgaadhsiintoodu hadana waxaad arkaysaa in dhawrkii sanadood ee u dambeeyey xaga isgaadhsiinta ay ka horumartay, waxaad arkaysa qof yar iyo weyn oo sita mobil, marka Wajaale ka baxdo ilaa deegaanada kale ee fog fog waxa lagu wada hadlayaa mobilo.
Isgaadhsiintaasi fududaatay waxay sahayshay kontarabaankii Itoobiya ka mamnuuc ahaa in uu si dhibyar u soo galo.
Itoobiya ayaa inta badan alaabta uga timaada Somaliland ka dhigtay kontarabaan, si ay kontarabaankaasi u yareeyaan ayaa waxa ay soo saareen xukun adag oo ka dhan ah dadka leh kontarabaanka, haddii gaadhiga la qabto waa la gubayaa, alaabta saarana waxa qaadanaya askarta qabatay, iyadoo dirawalka iyo dadka alaabta watana la xidhayo, ganaaxna u dheer yahay.
Hadaba barigii hore waxa dadka kontarabaanka sida samayn jireen inta baabuur dheereesa lagu raro ay wakhtiyada madmadow iyo meelo aan laga filayn ay mari jireen, imika wakhtigan taasi way badaleen, waxa kontarabaanka la saarayaa baabuurta rakaabka, waxa kaliya oo la iska qarinayaa ciidanka ka hortaga koontarabaanka oo baabuur dheereeya wata, hadaba taas waxay kaga badbaadeen waxay meelo kala duwan dhigaan dad u khidmeeyo oo meelaha ay ku sugan yihiin ciidankaasi soo sheega, waxaad arkaysa adigoo meel ku socda magaaladii aad doonaysana wax yar u jira in lala soo hadlo oo la yidhaa halkaas waxa jooga ciidankii ka hortaga kontarabaanka, ka dibna ay dib u kala laabaan, isla markaana socod dheer iyo degdeg ay cabsi ku jirto ku cararaan, taasina ay khatar galiso rakaabka saaran, iyagoo mar mar wixii sii socday oo dhami dib usoo wada noqdeen oo ay is eryadaan, markay inbadan ka cararaaan halkii lagu sheegay ayaa tuulooyin u dhow oo ay ka samaysteen meelo lagu qariyo kontarabaanka ku dajiyeen isla markaana dib u celiya rakaabkii saarna, iyagoo eeganaya fursad kale oo ay ku soo qaadi karaan.
La soco…
Barkhad-ladiif M. Cumar
E-mail:barkhadladiif@hotmail.com