Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Berbera, Jan10, 2010-(maantasomallandi)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), aya safarkiisii ugu horreeyey ee uu dalka gudihiisa ugu socdaalo tan iyo intii uu xilka Madaxtinimmada la wareegay, saaka ku soo gaadhay magaalo-xeebeedda Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil

Berbera, Jan10, 2010-(maantasomallandi)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), aya safarkiisii ugu horreeyey ee uu dalka gudihiisa ugu socdaalo tan iyo intii uu xilka Madaxtinimmada la wareegay, saaka ku soo gaadhay magaalo-xeebeedda Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil

Madaxweyne Silaanyo oo ay socdaalkiisa ay ku weheliyeen Xubno ka tirsan golaha wasiiradda, xildhibaanno iyo marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina X. Maxamed Jirde, ayaa intii aanay gaadhin magaalada Berbera si diiran looga soo dhaweeyey tuulooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, halkaasoo ay isugu soo baxeen boqollaal dadweyne ah oo ku soo dhaweeyey calleemo-qoyan iyo hal-ku-dhigyo taageeroo ay ugu muujinayaan Madaxweynaha.
com

Madaxweyne Silaanyo oo wejigiisa laga dheehan karayay farxad, ayaa isagoo dhoolacadayaya gacan-haadis ku sallaamay boqollaal dadweyne ah oo tubnaa tuullooyinka uu sii maray, waxaana Madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hor yimi tuullada Abdaal masuulliyiinta heer gobol iyo degmo ee gobolka Saaxil iyo boqollaal gaadiida oo yar yar iyo waaweynba isugu jiray, kuwaasoo saaka aroortii ka soo jarmaaday magaalada Berbera si ay uga hor tagaan weftiga Madaxweynaha.

Masuulliyiinta gobolka Saaxil, ayaa weftiga u soo gelbiyay magaalada Berbera oo ahayd badh-tilmaameedka safarka weftiga, waxaannu Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay Berbera waxa xadhiga ka jaray mashaariic xukuummaddu ka hirgelisay boqolkii maalmood ee u horreeyey Madaarka Magaalada Berbera, dekedda, iyo waddooyin ay dawadda hoose dhistay.

Madaxweynuhu waxa uu masuulliyiinta gobolka Saaxil iyo shacabkaba uga mahadceliyay qaabkii ay u soo dhaweeyeen, isagoo sheegay in Berbera lagaga faydo horumarka ay sammaysay mudada yar ee kooban.

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay haatan ku suganyihiin Guriga Madaxtooyadda oo la sheegay inay caawa ku hoyan doonaan

Kala muuqaalladii ku dheehnaa soo dhawaynta Madaxweyne iyo nuxurka khudbadihii uu ka jeediyay goobihii uu tagay

XASAN XARBI

MAANTASOMALILAND BERBERA

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com