Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- gudoomiyaha gobolka Sool, C/laahi Jaamac Diiriye, ayaa sheegay in deegaamada gobolkaasi ay soo food saartay biyo la’aan ba’an oo saamaysay dad iyo duunyaba.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- gudoomiyaha gobolka Sool, C/laahi Jaamac Diiriye, ayaa sheegay in deegaamada gobolkaasi ay soo food saartay biyo la’aan ba’an oo saamaysay dad iyo duunyaba. Badhasaabku wuxuu sheegay in degmooyinka gobolkaasi ay gabaabsi yihiin biyuhu, isla markaana ay jiraan cunto yaraan, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Waxaa soo foodsaartay dhammaan degmooyinka gobolka biyo la’aan iyo abaar baahsan, waxaanu xukuumada Somaliland ka dalbanaynaa in ay gurmad biyo dhaamis ah la gaadhaan shacbiga, waxaanu ku rajo weynahay in ay dawlada ka jawaabi doonto codsigayagan oo ay horena u haysay.”
Badhasaabka Sool, waxa kale oo uu sheegay in maciishada daruuriga ay ka qaaliyowday suuqyada magaalada Laascaanood, taasina ay saamayn ku yeelatay qoyaska danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Laascaanood.
C/laahi Jaamac oo xalay khadka telefoonka ugu Somaliland.Or, waxa uu beeniyay war sheegayay in ay xidheen xaaskii guddoomiyihii hore ee maxkamada rafcaanka ee gobolka Sool, oo wiil uu dhalay marxumkaasi uu la baxsaday gaadhi xaajiyad ah oo maxkamadaasi lahayd. Badhasaabku wuxuu sheegay in arrinta gaadhigaasi ay u xidh xidheen ilaa shan ka mid ah odayaasha koox dhalinyaro ah oo la goostay gaadhigaasi.
“Waxba kama jiraan wararka sheegaya in aanu xidhnay xaaskii guddoomiyihii hore ee maxkamada, hase yeeshee waxaanu arrinta gaadhigaasi ka samaynay dadaalo fara badan waxa kale oo jira wada hadalo noo socda odayaasha beeshaasi gaadhigu ku maqan yahay, waxaan filayaa in gaadhigaasi oo lala tagay magaalada Buuhoodle dib loogu soo celin doono gacantayada,” ayuu yidhi badhasaabku.
Badhasaabku wuxuu sheegay in aanay gobolka ka jirin wax nabad gelyo darro ahi, waxase uu ka dayriyay biyo la’aan.

faysal saleeban bookh

hargeisa maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com