Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shaaca Ka Qaaday Mushahar Kordhinta Ciidamada Iyo Shaqaalaha

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shaaca Ka Qaaday Mushahar Kordhinta Ciidamada Iyo Shaqaalaha

Januar13th, 2011 Comments Off

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa shaaca ka qaaday inuu l Ciidamada kala duwan iyo shaqaalaha dawlada ugu kordhiyay mushaharkii ay qaadan jireen.
Sidaasi waxa caawa baahisay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo sheegtay in qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamuud Maxamuud (Siilaanyo) uu 100% u kordhiyay mushaharkii Ciidamada kala duwan ee dalka iyo shaqaalaha dawladda, waxaanu warku intaasi ku daray mushahar kordhintan laga bilaabayo Bishan January 2011-ka.
 Wax tafaasiil ah lagama bixin wareegtada uu madaxweynuhu mushaharka ugu kordhiyay ciidamada iyo shaqaaleweynaha dawlada Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa xiligii lagu jiray olalihii doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee 2010-kii barnaamijkiisii siyaasadeed ee uu dadweynaha u soo bandhigay ku sheegay inay ciidammadda iyo shaqaalaha dawlada ay mushaharooyinka u kordhiyaan 300%.
Go’aankan madaxtooyada ayaa ku soo beegmay xili aanay wali Wasaarada Maaliyadu odoroska Miisaaniyad sanadeedka xukuumadda dhexe ee 2011-ka u gudbin Golaha Wakiilada. Ciidamada iyo shaqaalaha dawlada oo beryahanba naawilayay mushahar kordhintii xisbiga KULMIYE u balan qaaday ayaa ku diirsaday go’aanka Madaxweynaha.


xuseen xarbi

wargayska dawan xigasho

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com