Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa, January, 13/2011-Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa xukun isugu jira xadhig, ganaax iyo mastaafuris ku riday Mr. Guntar Bischoss,

Hargeysa, January, 13/2011-Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa xukun isugu jira xadhig, ganaax iyo mastaafuris ku riday Mr. Guntar Bischoss, oo ku eedaysnaa falal dhaqanxummo ah oo uu kula kacay haween reer Somaliland, kaasoo muddo maxkamadda Hargeysa dhegaysiga dacwadiisa ka waday Dugsiga Tobabarka ciidamadda ee Mandheera. Maxkammadda Gobolka Hargeysa oo xukunka ninka Jarmalka ah kaga dhawaaqday saaka Dugsiga Mandheera, ayay Maxkamaddu ku xukuntay Eedaysanaha koowaad Mr. Guntar Bischoss 4 sannadood oo xabsi ah, $ 10,000 (toban kun oo dollar) oo ganaax ah iyo in laga masaafuriyo dalka Somaliland marka uu dhamaysto oo aanu dib ugu soo laaban Karin Somaliland. Sidoo kale waxay maxkamaddu xukuntay gabadh u dhalatay Somaliland oo eedaysane ka ahayd kiiska ninka Jarmalka ah, ayaa Maxkamaddu ku xukuntay xukun ciqaab oo ah hal sanno oo xadhig ah iyo ganaax 5 mily oo Somaliland shiling ah. Dacwaddan go’aabka maxkamaddu ka so saartay oo xiisad kacsannaan ah ka abuurtay Somaliland, markii cullimo waaweyn oo reer Somaliland ahi masaajidada kaga khudbadeeyeen, waxay 25/12/2010 dhegaysigeedu ka bilaabantay Hool ku yaala Dugsiga Tababarka Mandheera , waxaana mar kale loo fadhiistay 29 Dec, 2010. Iyadoo Maxkamadda horteeda la keenay saddex markhaati oo Dacwad oogayaasha ka socday Xeer Ilaalinta Gobolka Hargeysa keeneen Maxkamadda

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com