Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

URURKA ISKAASHATADA HILIBLAYAASHA EE NAFAQO


Waxaanu bishii bixinaa 65,000 Dollar, waxayna ku dhacdaa Jeebada Mayorka iyo labo nin oo ay ku Magacabay Hantiilayaasha Shirkadda  Maandeeq oo midkood yahay Gudoomiye ku xigeenka Ganacsatada Somaliya

Warsaxaafadeed

Afhayeenka Uruka Iskaashatada ee Hilib Layaasha ee Nafaqo Dayib Cumar Kaahin

Shir jaaraa’id oo ay u wada qabteen Af-hayeenka Ururka Nafaqo iyo Gudoomiyaha ururka, ayaa waxay kaga hadleen dhibaatooyin ka haysta, Mayorka magaalada iyo Shirkadda Kawaanka ee Nafaqo,

Afhayeenku waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: Gudoomiyaha cusub ee Ururka leeyahay iyo dhamaan xubnaha ururka, ayaan wali mayorku soo hor fadhiisan, iyadoo ururka nafaqo ku dhibaataysan yahay Shirkadda Kawaanka ee Nafaqo, Mayorku waxa uu ku sii adkaystay sii cabudhintii Hiliblayaasha isagoo doonay inuu samaysto iskaashato u daneysa iyo maamul u go’ooni ah, iskagoo faro galin ku haya Ururka Nafaqo, isagoo markasta xoog iyo ciidan ku muquurinya.

Waxaan la soo shaqaynay 7 mayor oo hore, oo ka mid yahay Bare Laagadhe, Cumar Xandule, Boobo, Ina Xaashi iyo Cawl, Cadami iyo Cali Asad iyo Axmed dheere, iyo Maayor Jiciir oo 7 sanno burburin nagu hayey,

Waxa uu naga cabudhiyey dhinacii saxaafada iyo xoriyadtu qowalka, marka laga reebo, Wargeyska Dawan, oo ah maandeeqdii hore, isagoo noo adeegsada lacag, markhaatina ay ka tahay soo dhawayntii Madaxwaynaha oo nalaga reebay Media, qeybta u wayna aanu ka qaadanay.

Af-hayeenka oo ay weheliyaan Gudoomiyaha ururka Maxamed Xuseen Cali Gurey, Xoghayaha Xafiiska Dhexe Ilyaas Qaasin iyo Gudoomiye ku xigeenka ururka,  Waxa uu yidhi mar aanu mayorka la kulan, waxa uu mayorku nagu yidhi oo uu noogu maahmaahay (Hiliblayaashu Waa Dheeman Suuli ku jirta) waxaana u hirgashay siduu doonayey, isagoo noo soo mara meelo kale oo lacagta nalaga qaado oo aan qasnada dawlada ku dhicin, balse uu ku magacaabay shirkad iyo jeebad uu isagu leeyahay, waxaana Wasaaradda Warfaafinta iyo Maaliyada u sheegaynaa in lacagta bishii aanu bixino ururkayga Nafaqo ee Hiliblayaasha ee nalaga qaado Kawaanka  $56,000 Dollar ilaa $70,000 oo Dollar,  lacagta xadigaasi leeg, oo uu mayorku ku magacaabay labo nin oo mulkiilayaal ah qeybna uu ka yahay, mid ka mid ahna uu imika ku magacaaban yahay Gudoomiyaha Gudida Ganacsatada Somaliyeed, isagoo markaa Somalilandna aan ahayn xilna u hayn, balse uu Somaliya Xil u hayo, Mayorkuna uu arrintaasi asturayo.

In badan ayaanu u dulqaadanay tadacigii iyo cagajuglayntii, dhawr jeer ayaanu u dirnay cabasho anagoo ku hadlayna magaca Hiliblayaasha, laga soo bilaabo, Shirwaynahaygii u danbeeyey ee ka dhacay hadhwanaag ee aanu ku dooranay Gudoomiye iyo gudi fulineed oo ay ahay sannadkii 18/8/2010.

Markaa waxaanu xukuumada ka codsanaynaa inay soo faro galiso hawshayada, anagoo dakhliga intaas leeg bixin bil kasta hadana tacadiyo badan iyo xadhigba nalooga geysanayo, lacagtaa kor aanu ku sheegnay ee intaas, waxa aanu bixinaa qaranimo, si dalka loo geliyo, lakiise loo isticmaalo siyaabo kale umunu bixino. Lacagtaas oo muddo afar sano ah aan ku dhicin qasnada dawladda.

Mayorku waxa uu samaystay been abuur ah in aanu diidnay cashuurta, lakiin dadkayga iyo dalkaygaba waanu hurnaa lacagtaas, balse nin jeebadii inay ku dhacdo uma ogolin, sharcigii noo yaalay anaga Shirkadda Afduubaa nalagu haystaa, haddii aanu xukumadu taas wax ka qaban waydo, waxa aanu qaban doonaa mudaharaad aanu Wasaaradda Arrimaha gudaha ka soo sharciyeysan doono, haddii wax laga qaban waayo.

Guntii iyo gabo-gabadii

Waxa kale oo jirta in dad aan hayn Hiliblayaal, uu u qabto siminaaro, aan shaqadan shuqul ku lahayn, uu siminaaro u bixiyo,

Waxa  aan kaga baxayaa saxaafada madaxa banaan oo aanu u sheegaya in il gaar ah loo yeesho arrintaas.

Shirkaa Jaraa’id dabadeeda waxa eyana halkaa ka hadlay

Marwo: Canab Jaamac Xasan oo gabay ka soo jeedisay madashaas waxayna tidhi ( Mayor Xoolo Qala Maantaan arkaye, Madaxwaynihii iyo Maamulkii dalkow ma masaad ka tihiin)

Allaa Mahad Leh

Afhayeenka Ururka Iskaashatada Nafaqo

Dayib Cumar Kaahin

__________________

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com