Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye [Nacnac] mudanayaasha Golaha Wakiilada ee laga soo dooray gobolka Maroodi jeex,


Hargeysa (maanta somaaliland) Jan, 13. 2011- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye [Nacnac] mudanayaasha Golaha Wakiilada ee laga soo dooray gobolka Maroodi jeex, ayaa maanta ku eedeeyey masuuliyiin aanu carabaabin oo ka tirsan asxaabta macaaradka, gaar ahaan masuuliyiinta laga wareegay talada dalka inay dambeeyaan warar barobogaandooyin ah oo ay ciidamada dalka ugu sheegayaan in aanay xukumadu u kordhinaynayn mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha.

Xildhibaan Nacnac oo maanta warbaahinta kula hadlayey xarunta baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku hambalyey go’aanka uu shalay ugu kordhiyey mushaharka ciidamada Somaliland ee 100%, kaasoo uu ku tilmaamay talaabo guul ah oo ay xukumadu kaga dhabaysay wixii ay hore u balanqaaday.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye [Nacnac], isagoo ugu horeyn ka hadlaya cida uu u arko inay ka dambayso wararka ciidanka Somaliland loogu sheegay inay xukumada ka soo horjeedo in loo kordhiyo waxa uu yidhi “ma jiraan ciidan soo baneeyey meelihii ay ku sugnaayeen, warkaasina waa mid been abuura oo ay faafinayaan nimankii hadhaaga ahaa ee barigii dhowayd maamulka aanu kala wareegnay ee odhan jiray ma jiraan wax mushahar ah oo la kordhin karaa, kuwii baa waxaas wada waa been ciidamada maxay ka ogyihiin Hargeysa ayey joogaane, waxa aanu beeninaynaa in ciidamada wax gadooda ay sameeyeen.”

Xildhibaanku waxa uu si weyn u soo dhaweeyay Go’aankii Madaxweynuhu Mushaharku ugu Kordhiyay Ciidamada waxaana uu yidhi isaga oo arrintaas ka hadlaya ”waxa aan hambalyaynayaa go’aankii Madaxweynuhu mushaharka ugu kordhiyay shaqaalaha iyo ciidamada, waxa beenowday hadalkii raga qaarkood meelahaas ka odhan jireen dawladu waxba ma kordhin karto, waxa aad ogtihiin in wasiirka maaliyadu shalay ku dhawaaqay in shaqaalaha lacagtii loo kordhiyay 100% waxa  taas ku hoos jira in dugsiyada dawlada bilaa lacag laga dhigo oo ay ardaydu fursad u helaan waxbarasho waana arrin aad u wanaagsan.”

Waxa kale oo u ka hadlay heshiiskii ay dhawaan wada gaadheen labada beelood ee dega Gabilay iyo Dilla, isagoo soo dhaweeyey heshiiska, waxaanu ugu baaqay labada beelood ee dagaalamay deegaanka Kalshaale ay sidaas oo kale u soo afjaraan colaada waxaanu yidhi “waxa aan hambalyo u diriyaa  beelaha walaalaha ee soo afjaray colaadii ka taagnayd deegaanka Ceel-bardaale, waa dad is dhalay oo walaalo ah waxa aanu leenahay hambalyo, waxa heshiiskani qaatay sannado badan oo la wado hadlayay, waxa iyana u soo jeedinayaa beelaha ku dagaalamay Kalshaale oo aanu leenahay soo afjara colaadiina walaalayaal anana waxa aanu soo jeedinaynaa in deegaanka ay tahay in si nabada loo wada daaqo.”oo loo wada noolaado
 
maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com