Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Badhasaab Ku Xigeenka iyo Gudida Ciyaaraha Gobolka Gabiley oo Kulan La Yeeshay Xubno Ka Mid Ah Wasaarada Ciyaaha Somaliland

Gabiley (Maanta-Somaliland):- Badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley oo ay wehelinayaan gudida ciyaaraha gobolka Gabiley ayaa shalay kulan is xogwaraysi iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ciyaaraha la yeeshay xubno ka tirsan maamulka ciyaaraha ee wasaarada ciyaaraha Somaliland oo ka dhacay hoolka xafiiska gobolka Gabiley.
Kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali case), gudoomiyaha ciyaaraha gobolka Gabiley Maxamed Maxamuud Axmed (Max,ed Arts), Axmed Maxamuud Sheekh Gudoomiyaha xidhiidhka cusub ee ciyaaraha Somaliland, Xasan Maxamed Cabdale (xasab warabe cadde) qurba joog, Axmed Ismaaciil Maxamed oo xeel dheere dhinaca ciyaaraha, Faysal Muuse Cabdi Tababarihii hore ee xulka gobolka Maroodi jeex, Maxamed Xuseen Dhabane Gudoomiyaha gudida qaban qaabada ciyaaraha Somaliland, Maxmed Maxamuud Ahmed (Mah,ed arts), iyo dhamaan xubnaha gudida ciyaaraha.
Badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) oo waftiga ka socday wasaarada ciyaaraha ee booqashada ku joogay magaalada Gabiley kusoo dhaweeyay hoolka shirarka xafiiska gobolka Gabiley ayaa halkaasi kaga waramay wakhtiyadii uu kubada ciyaari jiray isagoo sheegay in wakhtigaasi lagu naanaysi jiray (Cali Bayle) una ciyaari jiray xaafada qudhac dheer ee magaalada Hargaysa.
Badhasaab ku xigeenku waxaa kale oo uu uga mahadnaqay kooxda ciyaaraha ee booqashada ku timid gobolka Gabiley isagoo usoo jeediyay inay joogteeyaan xidhiidhka iyo booqashooyinka ay gobolada dalka ku marayaan taasi oo uu sheegay inay kor u qaadi doonto heerka ciyaaraha kala duduwan.
Gudoomiyaha cusub ee loo magaacay xidhiidhka ciyaaraha dalka ayaa isaguna si kooban uga waramay hawlaha xafiiska isagoo sheegay inuu nidaamkii shaqo ee xafiiska dib u habayn ku sameeyeen, intii uu shaqada hayayna waxyaabo badan u suurto galeen sida tababaro ay u fureen qaar ka mid ah maamulada ciyaaraha ee gobolada.
Xasan Maxamed Cabdale (Xasan waraabe Cadde) oo ah qurba jooga Somaliland kana mid ahaa waftiga ciyaaraha ee booqashada ku yimid Gabiley ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Gabiley isaguu si kooban uga waramay taariikhdiisii ciyaareed iyo ciyaartoyadii ay iskufilka ahaayeen ee reer Gabiley.

DSC07861

Axmed Ismaaciil Maxamed (Axmed Aflax) oo isaguna ka mid ahaa waftigii ciyaaraha ee booqashada ku joogay Gabiley isla markaan ah khabiir ku xeel-dheer ciyaaraha kubada cagta sheegay inay nidaamka maamul ee ciyaaraha wax badan ka badali doonaan wasaarada iyo maamulka cusubi isagoo gudida ciyaaraha Gabiley u balan qaaday inaanay sidii maamulkii hore uga gaabsan doonin ee ay la shaqayn doonaan.

Ugu danbayntii waxaa uu badhasaab ku xigeenka gobolku shahaadooyin gudoonsiiyay qaar ka mid ah xubnaha wasaarada ciyaaraha oo ay u diyaariyay gudoomiyaha gudida ciyaaraha gobolka gobolka iyo xubnaha gudidaasi oo ay ku siiyeen sida fiican ee ay ula shaqeeyeen mudadii ay xilka hayeen.
Gudiga ciyaaraha gobolka Gabiley ayaa iyaguna si guud uga warbixiyay xaalada ciyaaraha Gabiley iyagoo sheegay inaanay wasaarada ciyaaruhu xidhiidh lasoo samayn gudiyada ciyaaraha Gabiley wasaaraduna ka reebto markasta ciyaaraha gobolada iyo saami qaybsiga deeqaha la siinayo gobolada kale ee dalka.

Kulankan ayaa kii ugu horeeyay ee maamul ka socda wasaarada ciyaaruhu ku yimaadaan gobolka Gabiley tani oo wax badan ka badali doonta xidhiidhkii ka dhexeeyay wasaarada ciyaaraha iyo gudida ciyaaraha Gabiley.

Hussein Harbi

One Response to Badhasaab Ku Xigeenka iyo Gudida Ciyaaraha Gobolka Gabiley oo Kulan La Yeeshay Xubno Ka Mid Ah Wasaarada Ciyaaha Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com