Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Laba Masuul Ka Tirsan Xukuumadda Oo Si Kulul U Weeraray Qaar kamid ah Wargeysyada Madaxa Banaan Hargeysa

 Laba Masuul Ka Tirsan Xukuumadda Oo Si Kulul U Weeraray Qaar kamid ah Wargeysyada Madaxa Banaan Hargeysa (Maanta-Somaliland)- Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cuskuse) iyo Maareeye Ku Xigeenka Madbacada qaranka Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa maanta si kulul u weeraray laba Wargeys oo ka mid ah Wargeysyada madaxa banaan ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa, oo ay si adag ugu talax tageen. Labadan masuul ee ka tirsan xukuumadda Somaliland, oo khamiistii ka soo laabtay aftidii madax banaanida Suudaan, waxay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta madaxtooyada ay si kulul u weerareen Hargiesa Star iyo Yool. Afhayeenka Madaxtooyadu wuxuu wax uu baaq ku sheegay u jeediyay saxaafadda, waxaanu yidhi “Dadka saxaafadda inta badan ka shaqeeyaa inta badan waa dhalinyaro, nasiib darro weyn ayaa jirta. Saxaafadda Somaliland dhismihii ay soo qaadatay iyo ciqaabtii ay u soo martay in codkeedu noqdo mid madaxbanaan iyo dadkii kala halgamayay oo ahaa shacbiga, saxaafadda maanta joogtaa way ku geftaa, been qaawan oo wax alaale iyo wax macno ah oo ay ku fadhidaa aanay jirin. Wargeyska ugu da’da yar wargeysyada Hargiesa Star, wargayskaasi maalin dhawayd wuxuu iska qoray haaf milyan dollar ayuu lunsaday Chief of Cabinet-ku, waa wax laga xishoodo oo la iska malmaluuqay. Waxaa loo baahan yahay in uu qof caqli yeesho, iminka maxkamad ayaa ku socota oo aanu leenahay walaal waxaad caddaysaan warkan halka aad ka keentay, anagu waxaanu caddaynaynaa lacagtii safarka madaxwaynaha ku baxday oo waa lacagtii safar madaxweyne tii ugu yarayd’e, bal waxaad caddaysaa meeshaad ka keentay, lacagta ma madaxweyne aad ku riyootay ayaa cunay, ma Chief of Cabinet gurigiina jooga ayaa cunay. Maxamed Cabdiraxman (guddoomiyaha Hargaysa Star) ayaanu leenahay walaal waxan ka soo sheekee. Haddii kalena hadhow ha noqonin nin intuu cabaado marna Dubay u baxsada, marna yidhaahda waa la ixidhayaa. Waxaanu leenahay jaraa’idka kale la mid noqo, jaraa’idka kale iyo website-yadana waanu uga digaynaa.” Cukuse oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Anagii ayaa suxufiyiin ah, xukuumaddanina ardaaga qudha ee ay u dhalatay waa saxaafadda. Madaxweynaha dalku waa Axmed Siilaanyo, waa kii xoriyadeena iyo madax-banaanideena u dagaalamay, hogaamiyaheeni shalay lahaa saxaafaddu way madax banaantahay ee ha la daayo, maantana wuxuu leeyahay saxaafadda ha la daayo, laakiin dee ka xidhooda. Xukuumadda daba gala, khaladaadka dhacaya qabta, waxay ku saxantahayna sheega. Socdaalkii Madaxwaynaha ee aad ogaydeen sidii loogu soo dhaweeyay saxaafadeenu wax kale ayay qoraysay. Waxaan la yaabaa haddii la yidhaahdo jaraa’idkaa sidan lagu iibsadaa, dadkan xasadku dhaamiyay ee waxaas uun wargaysyada ku iibsadaa waa tiro yar baan u malaynayaa, laakiin waxaa jira kuwo xumaanta uun wax ku iibsada.” Afhayeenku wuxuu ku dooday in aanu jirin xeer saxaafadda lagu cabudhinayo oo ay xukuumaddu waddaa, waxaanu tilmaamay in ay meel marinayso xeerkii saxaafadda ee warbaahintu u mudaharaadi jirtay difaaciisaa. Dhinaca kale, Maareeye ku xigeenka Madbacadda qaranka, ahna guddoomiyaha ururka SOLJA, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), oo halkaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in dawladda ka dhalanaysa Koonfurta Suudaan ay diyaar u tahay Somaliland, waxa jiray in dhaawaca SNM-ta iyo SPLA meel la wada dhigi jiray . waxaanu xidhiidh la soo samaysanay saxaafaddi caalamiga ahayd ee aftidaasi ka qayb gashay. Waxaan filayaa maalinta koonfurta Suudaan qarannimadeeda lagu dhawaaqo in shacbiga Somaliland la dabaaldegi doonaan.” “Xukuumadda waxaanu uga fadhinaa dulqaad, in qof kasta oo shaqo hayaa wuu gefayaaye ay dulqaadato, saxaafaddu way koraysaa sida ay Somaliland u korayso, in badan oo wanaagana oo aan la dafiri karinna way u qabatay dalka, waxaan leeyahay yaan la idiin helin wax dembi ah. Saxaafaddu waa kuwaa Somaliland u shaqaynaya ee wakiillo siyaasadeed u noqonaya, waxaa laga yaabaa in xabad xabad xun oo fadare ahi ay inagu jirto. Wargayska Yool waxa uu doono ayuu iska qoraa. Taas oo kalena waxay doonto ayay qortaaye aynu u dulqaadano. Daahir Calasow-gu wuu inagu badan yahay, xukuumaddana waxaan kula talinayaa in ay koriso saxaafadda oo ay u dulqaadato”Ayuu yidhi Maareeye Ku Xigeenka Madbacadda qaranku.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com