Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Siyaasiyiinta,Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Reer Xuseen Ee Gobolka togdheer oo oo beryahanba shir docedyo iyo kulamo joogto ahi u socdeen ayaa digniin culus iyo baaq u diray xukumada Siilanyo iyo shirkad shidaal baadhis ka wada degaamada beeshu degto(warsaxaafadeed)

(msl)Siyaasiyiinta,Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha Reer Xuseen Ee Gobolka togdheer oo oo beryahanba shir docedyo iyo kulamo joogto ahi u socdeen ayaa digniin culus iyo baaq u diray xukumada Siilanyo iyo shirkad shidaal baadhis ka wada degaamada beeshu degto

Baaqaa ay beesha reer Xuseen soo saartay oo dhamaystiran wuxuu u dhigan yahay sidatan:-

“Sida aad wada ogtihiin waxaa sanadihii ugu danbeeyey lagu gudo jiray hawlo sahamin shidaal iyo macdan baadhis isagu jira oo laga waday gudaha Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer.

hawlahaa sahaminta ahi waxay soo jiiteen indhaha bulshada reer Somaliland, sigaarana waxay u taabteen bulshada ku dhaqan Gobolka Togdheer, iyadoo dadku ka rajeynaayeen filashooyin kala duwan oo u badan kuwo toggan.

Inta badan dadku waxay isha ku hayeen oo ay ka dhursugayeen hadba xaaladu sida ay noqoto,iyadoo marnaba aan niyada laga saarin in hawshan sahaminta ahi si taban u saamayn karto dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanada hawshu ka socoto.

Hadaba waxa deegaanka Beesha Reer Xuseen degto oo ah deegaan aad u balaadhan oo ka tirsan degmada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer sida Togga Togdheer, Banka aroori, Ballida-Qoolal, iyo Gubaddo, ayaa waxa uu ka mid noqday deegaanada la sahamiyay gacantana la galiyay si loo ogaado khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan. Iyada oo ay ahayd in laga wada tashado waxna layska weydiiyo,

Hadaba waxa aan la aqbali Karin lana qaadan karin in dad lagu magacaabay shirkado oo gashan shaadh qabiil una soo Tafo-Xaytay Boobka iyo Dhaca Khayraadka Wadanka,

Iyagoo hadaba Shirkadani marba ay si tuugo ah u tegayso deegaanada ay beeshu degto dhigayaana calaamado kala duwan, Waxaa ayaan darro noqotay in xukuumada oo ahayd maamulkii ummadu u igmatay ilaalinta khayraadka wadanka iyo u kala xaqsoorida bulshada reer Somaliland uu habayaraatee doorkeedi meesha ka maqanyahay,

Xukuumada waxa keliya ee laga arkaana ay tahay askar raxanraxan u socota oo mar-mara deegaanadaas laguna cabsi gelinaayo bulshada danyarta ah ee xoolo dhaqatada ah ee ku firidhsan deegaanadaasi,

Sidaa daraadeed, waxaan la socodsiineynaa ash-khaasta huwan shaadhadhka qaldan ee sita magaca shirkadeed, kuna foogan mashruucan loogu magacdaray daray sahaminta shidaalka, ilaa hadana aan la ogeyn ujeedada rasmiga ah ee ay ka leeyihiin hawshan ay wadaan qodobadan soo socda

1: In aan la sahamin Karin, lana baadhi Karin hawlna laga fulin Karin deegaanada ay degto beesha Reer Xuseen ee aan kor ku xusnay.

2:In ilaa hadda aan la ogeyn lana cadayn deraasadna laga soo bandhigin khasaaraha iyo dhibaatada uu keeni karo mashruucani, suurta galna aanay ahayn in lagu khamaaro nolosha, Jiritaanka iyo degenaashaha boqolaal kun oo qof oo muwaadiniin ah.

3:In aan xukuumada Somaliland iyo golayaasheedu aanay ilaa hadda wax damaanad ah oo ku wajahan dhibta , khasaaraha iyo barakaca laga dhaxli karo mashuuran aanay keenin, gabeena masuuliyaddii ka saarneyd dalka dadka.

4:In hadii arintaa si degdeg ah loo joojin waayo ay keeni doonto cawaaqib xumo intaa ka badan, masuuliyadeedana ay qaadi doonto cida faraha kula jirtaa”

Sidoo kale waxa iyaguna shirkaasi ka hadlay Chief Caaqil Cabdi Cumer Aw Diiriye.Cuqaal iyo Waxgarad kale oo aad u tiro badan waxaanay dhamaantod ku dheradeen howlaha shidaal baadhis ee ay shirkadaasi ka wado degaankaasi.

Ugu danbayntii shirkani jaraa-id ee ay qabteen cuqaashani ayaa ku soo beegmaya wakhti mudooyinkii u danbaysayba qaar katirsan beelaha dega gobolka togdheer ay saluug badan ka muujiyeen hawlaha shaqo ee ay wado shirkada qodista shiidaalku.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com