Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Afar Diyaaradood oo Nooca Dagaalka Ah Oo Joog Hoos Ku Duulaya marmarna cagaha soo dhiganaya dhulka Oo Cabsi Xoog Leh Ku Beeray Dadweynaha Ku Nool Deegaanada Balli-gubadle Balli-cabane Iyo Gumar Oo Ka Tirsan Gobolka Hawd.

Hargeysa) Jan.17. 2011 – ( maantasoomaaliland.com) Diyaarado nooca dagaalka ah oo ku duulaya joog hoos, ayaa argagax ku riday dadka ku nool deegaamada Balli-gubadle, Balli-cabane iyo Gumar oo ka tirsan gobolka Hawd, kuwaas oo aan la garanayn cida iska leh iyo waxa ay raadinaynaan.

Diyaaradahan oo afar iyo laabankii saacadood ee ugu dambeeyay dul heehaabayeen Magaalooyinka iyo dhulka baadiyaha ee gobolkaas, ayaa waxaa ay saamayn ku yeesheen dad iyo duunyada, iyada oo ay cabsi hor leh soo food saartay dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas oo iyagu si weyn u la yaaban diyaaradahan dhulka u soo dhawaanaya ee xoolaha ka didinaya.

Badhasaabka gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hurre oo arintan ka hadlay, ayaa sheegay inuu Magaalada Hargeysa si degdeg ah ugu yimid si uu xukumada Somaliland la socodsiiyo amuurtan, waxaana uu sheegay in ay diyaaradahani si isdaba joog ah oo aan hakad lahayn u dulmarayeen deegaanada gobolka Hawd, isla markaasna aanay ilaa hada fahmin ka maamul gobol ahaan ujeedada ka dambaysa duulimaadka diyaaradahan iyo waxa ay ka raadinayaan deegaanka gobolka Hawd ee soo galay.

Diyaaradahan dul heehaabaya deegaanada gobolkaas, ayaa ku soo beegmaya wakhti ay daba yaaqadii todobaadkii hore ay laba habeen oo isku xigta ay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ay sidan oo kale u dul heehaabayeen, kuwaasoo werwer cabsiyeed iyo seexanwaa ku riday bulshada reer Burco. Iyadoo wararka ka imanayey magaaladaasina ay sheegeen in hawlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidanka amaanka ee magaalada Burco lagu soo qabqabtay saddex nin oo laga shakiyey iyagoo lagu weeraray guryahooda.

axmed maxamed cawaale

bali gubadle

gobalka hawd

maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com