Hargeysa, January, 17, 2011-(maantasomaliland.com)Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa, ayaa soo bandhigay odoroska miisaaniyad-sanadeedka 2011 oo uu sheegay inuu dhawaan u gudbin doono Golaha wakiillada
Hargeysa, January, 17, 2011-(maantasomaliland.com)Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa, ayaa soo bandhigay odoroska miisaaniyad-sanadeedka 2011 oo uu sheegay inuu dhawaan u gudbin doono Golaha wakiillada Somaliland iyo waxyaabaha ka fulay ballaanqaakii xisbiga KULMIYE ee kordhinta mushaharooyinka shaqaalaha dawladda iyo ciidammada.
Wasiir Xaashi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Wasaaradda Maaliyadda, ayaa ugo horayn faahfaahin ka bixiyay odoroska miisaanoyadda 2011, “Odoroskii miisaaniyad saneedka 2011-ka waxaanu rajaynaynaa inaanu dhawaan horgeyno Golaha Wakiilada. Waxaan filayaa Guddida Dhaqaalaha ee Wakiiladdu (Wasaaradda) nagula naaqishaan oo ay wixii ay ku darayaan iyo wixii ay ka bedalayaanba ku sameeyaan. Ka dibna Golaha Wasiirrada laga ansixiyo si markaa ka dib loogu gudbiyo Gollaha Wakiiladda. Balan qaadkii KULMIYE ee ahaa in mushaharka la kordhiyo 300% waa la heli lahaa haddii aanay jirin dayntaasi badan ee aanu la wareegnay. Waxaanu imika kordhinay 100% sida Madaxweynuhu sheegay.
Xukuummadan maanta jirta waxay dhaxashay xaalad dhaqaale oo xun waad ogaydeen markii aan xilka halkan kula-wareegayey waxaan diiday inaan la wareego wax deyn ah. Manay jirin wax deyn ahi. KULMIYE waxa uu balanqaaday in 300% [Boqolkiiba Sadex boqol] uu u kordhin doono shaqaalaha iyo ciidamada, laakiin waxa soo baxday wax aanan fileyn, waxaanu u nimi Baankii oo madhan, oo xitaa la isticmaalay lacagihii dadku dhigteen, waxaanu u nimi shaqaalaha iyo ciidamadda oo leh Afar bilood oo mushahar ah, raashinkii jeelasha iyo ciidamadda oo lagu leeyahay xukuummadda, taas ayaa suuragelin wayday waxyaabaha qaarkood, laakiin nasiib wanaag Xisbiga KULMIYE boqolkii maalmood ee u horeeyey waxaanu bixinay mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamadda ee isgaadhay, waxaanu dib u habayn ku sameynay nidaamka wasaaradeed si uu u soo xaroodo dhaqaaluhu si wacan”.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Xaashi oo hadlayey kordhinta mushaharooyinka waxa uu yidhi, “Xukuumadihii dalka soo maray dhamaantood waxba iskamay waydiinin in qofka shaqaalaha ah ay ku filan tahay $42 Dolar, taasina waxay keentay inaan xil la iska saarin daryeelka qofkii shaqeynayey.Xukuummadda maanta jirta waxay garoowsan tahay in ciidamadda iyo shaqaaluhu ay yihiin taayirka uu gaadhigu ku socdo oo ay ula mid yihiin Xukuummadda”
Eng. Maxamed Xaashi waxa uu ka hadlay tiro koobka hay’adda shaqaaluhu sammaysay iyo imtixaankii ay qaaday, “Hay’adda shaqaaluhu waxay qabatay shaqo wanaagsan, waxay sameysay tirakoob shaqaale iyo imtixaan si lookala saaro shaqaalaha da’ada kuwa da’ayarta, taasi waxay keentay inaad si xun wax u turjuntaan.iyada oo ay horkacayeen dad aanan ka filayn, muhiimadu waxay ahayd in siyaasad cad laga yeesho, isla markaana meesha laga saaro caaglaha, wixii dhintay iyo wixii gaboobay, iyadoo Siyaasad hawlgaba loo sameynayo, ama wixii lagu bedeli karo hawsha iyo in darajo loo sameeyo shaqaalaha.”
“Waxa kale oo aanu sameynay tirakoob ciidan, waxa jirtay in hay’ada GTZ ay sameysay diwaangelin oo ay ciidanka u kala saartay hawlgab, naafo iyo wax shaqeyn kara [Active], in Hanti la siiyo ayey balanqaadeen berigaa, maanta waxaanu lacagta u kordhinaynaa 100% [Boqolkiiba boqol] inta xooga ah, inta kale [Naafo iyo Hawlgab] waxay qaadanayaan wixii ay hore u qaadan jireen”ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.
“Hore waxaa u diray afar kooxood oo aan ku idhi soo ogaada, inta caa’ilad dhexe nolol ahaan ku noolaan karto, mushaharka maanta la kordhiyey kuma filna weli, laakiin kordhisku wuu soconayaa ilaa la gaadho heer qofka shaqaalaha ah iyo qoyskiisu ku noolaan karaan nolol dhex dhexaad ah”.
Wasiirka Maaliyada Somaliland waxa uu hanjabaad u jeediyey Ganacsatada Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Markii ay dhacday in shaqaaluhu heli-waayaan mushahar ku filan waxa dhacday in ganacsatada qaarkood ay shaqaaluhu ka qaataan lacag, taas oo keentay in cashuurtii Berriga oo ah ta dawladuhu ku shaqeeyaan ay dhaafiweydo Afar million, maanta waxaanu doonayna inay ganacsatadu cashuurta lagu leeyahay soo bixiyaan, waxa jirta rag aanu u yeedhnay oo aanu waraaqo u qornay, laakiin noomay iman, waxaan leeyahay haddii ay soo ajiibi-waayaan yeedhmadaa waxaanu la tiigsan doona sharciga, waxaanu awood u leenahay inaanu ka qaadno shatiga ganacsiga, waxaan leeyahay Ganacsatadu ha ogaadaan in cashuurtu tahay ta qaranku ku shaqeynayo ee lagu sugayo amaankooda.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu ogaysiinayna inay iska ilaaliyaan ganacsatadu inay si aan sharci aheyn u siiyaan shaqaalaha cashuuraha ka shaqeynaya lacag si looga daayo cashuurta lagu leeyahay. Waxa kale oo aanu ogaysiinayna inaanu ka rabno tirakoobkooda shaqaale oo aanay dhacayn in cashuur laga qaado ka dawlada ee musharka yar qaadanaya, ka dhowrka boqol ee Dolar qaadanayaa aan cashuur laga qaadin”.