Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland Oo Sagaal Markaakiib Shiisheeyey U Fasaxay Xeebaha Muddo Affar Billood Gudaheed

Hargeysa, January, 17, 2011-(Berberanews)- Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Baddaha, ayaa markii u horraysay qirtay tiro maraakiib shisheeye ah oo ay ruqsad kalluumaysi u siiyeen xeebaha Somaliland mudada shanta billood gaadhaysa ee xukuumadda Madaxweyne Silaanyo tallada dalka hayso.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Baddaha Cabdiraxmaan Cawil Xasan, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa daboolka ka qaaday inay ruqsad kalluumaysi siiyeen sagaal markab oo shisheeye, “Ilaa imika inta noo sharciyeysan intii aan anigu joogay wasaarada waa sagaal Markab oo guddo iyo dibad-ba isugu jira oo ay ka wakiil yihiin ganasato reer Somaliland ah,” sida waxa yidhi Agaasime Cabdiraxmaan.

Agaasimuhu waxa uu sheegay inay askar ilaalo ah iyo shaqaale wasaaradda ka tirsan saaraan maraakiibta shisheeye ee ay ruqsada siiyaan, si aanay ugu ad-gudbin kheyraadka aan loo fasaxin, waxaanna ka mid ahaa hadalkiisa “Markaanu anagu Markabka siino liisanka, laba Shaqaale baadhe [Inspector] oo ka tirsan Wasaarada kaluumaysiga ayaanu saarna, kuwaas ayaa ilaaliya inta uu badda ku jiro iyo laba askari oo Marines ah, afarta qof oo ka madax-banaan markabka oo mid waliba qaranka u shaqeeyo,”

Agaasime Cabdiraxmaan waxa uu ka hadlay cabashooyin iyo shaqo joojin maalintii labaad ay ku jiraan kalluumaysatada Saylac iyo Berbera oo ka cabanaya maraakiib shisheeye oo xaalufiyey badda, isagoo sheegay in kalluumaysatada Saylac cabashadoodu la xidhiidho maamul cusub oo wasaaraddu u magacwday, waxaannu yidhi, “Kalluumaysatada Saylac waa qaar iyagu isximinaya wakiilladan aan anagu imika dhisanay diidan, dalkii anaga ayaa ilaalinayna khayraadkiisii anaga ayaa ilaalinayna oo ka masuul ah oo qaranka anaga ayaa ka masuul ah,inaga oo dhan ayaa xaq u leh inaynu ilaashano.”

Agaasimaha Wasaaradda Kalluumaysigu waxa uu ku dooday waxba kama jiraan inay yihiin cabashooyinka shaqo-joojineed ee kalluumaysatada Saaxil iyo Saylac, :“Isuduwayaasha Gobolada Saaxil iyo Salal ayaa ii soo sheegay iyo shaqaalihii wasaaraduba, inaanay jirin maanta wax sharci-daro ah oo ay ka cawdaan, wixii jirana [cabasho] inaan intayadaas oo masuul iyo intayadaas oo oday u baxayno Gobolada si aanu u soo hubino cabashada,”

Hargeysa, January, 17, 2011-(maantasomaliland.com)- Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Baddaha, ayaa markii u horraysay qirtay tiro maraakiib shisheeye ah oo ay ruqsad kalluumaysi u siiyeen xeebaha Somaliland mudada shanta billood gaadhaysa ee xukuumadda Madaxweyne Silaanyo tallada dalka hayso.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Baddaha Cabdiraxmaan Cawil Xasan, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa daboolka ka qaaday inay ruqsad kalluumaysi siiyeen sagaal markab oo shisheeye, “Ilaa imika inta noo sharciyeysan intii aan anigu joogay wasaarada waa sagaal Markab oo guddo iyo dibad-ba isugu jira oo ay ka wakiil yihiin ganasato reer Somaliland ah,” sida waxa yidhi Agaasime Cabdiraxmaan.

Agaasimuhu waxa uu sheegay inay askar ilaalo ah iyo shaqaale wasaaradda ka tirsan saaraan maraakiibta shisheeye ee ay ruqsada siiyaan, si aanay ugu ad-gudbin kheyraadka aan loo fasaxin, waxaanna ka mid ahaa hadalkiisa “Markaanu anagu Markabka siino liisanka, laba Shaqaale baadhe [Inspector] oo ka tirsan Wasaarada kaluumaysiga ayaanu saarna, kuwaas ayaa ilaaliya inta uu badda ku jiro iyo laba askari oo Marines ah, afarta qof oo ka madax-banaan markabka oo mid waliba qaranka u shaqeeyo,”

Agaasime Cabdiraxmaan waxa uu ka hadlay cabashooyin iyo shaqo joojin maalintii labaad ay ku jiraan kalluumaysatada Saylac iyo Berbera oo ka cabanaya maraakiib shisheeye oo xaalufiyey badda, isagoo sheegay in kalluumaysatada Saylac cabashadoodu la xidhiidho maamul cusub oo wasaaraddu u magacwday, waxaannu yidhi, “Kalluumaysatada Saylac waa qaar iyagu isximinaya wakiilladan aan anagu imika dhisanay diidan, dalkii anaga ayaa ilaalinayna khayraadkiisii anaga ayaa ilaalinayna oo ka masuul ah oo qaranka anaga ayaa ka masuul ah,inaga oo dhan ayaa xaq u leh inaynu ilaashano.”

Agaasimaha Wasaaradda Kalluumaysigu waxa uu ku dooday waxba kama jiraan inay yihiin cabashooyinka shaqo-joojineed ee kalluumaysatada Saaxil iyo Saylac, :“Isuduwayaasha Gobolada Saaxil iyo Salal ayaa ii soo sheegay iyo shaqaalihii wasaaraduba, inaanay jirin maanta wax sharci-daro ah oo ay ka cawdaan, wixii jirana [cabasho] inaan intayadaas oo masuul iyo intayadaas oo oday u baxayno Gobolada si aanu u soo hubino cabashada,”

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com