Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ugaas Cusub oo ay Yeelanayso Beesha Sacad Muuse oo lagu Caleemo saaray Deegaanka Lughaya ee Gobolka Salal.

Ugaas Cusub oo ay Yeelanayso Beesha Sacad Muuse oo lagu Caleemo saaray Deegaanka Lughaya ee Gobolka Salal.

Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin (Jilba-dhige) oo noqon doona Ugaas ka mid ah Madax dhaqameedka.

(lughaya) (maantasomaliland.com ) Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin ( Jilba dhige) ayaa lagu caleemo saaray Degmada Cabdi Geedi oo ka tirsan Deegaanka lughaya ee Gobolka Salal.

Ugaaskaasi oo ka mid noqon doona Madax dhaqameedka Somaliland ayaa Waxaa Xafladda Caleemo saarka ka soo qayb galay Salaadiin, Cuqaal, iyo Odayaal aad u tiro badan. Kuwaasi oo iskaga kala yimid meelo kala duwan oo ka mid Gobolladda Somaliland.

Waxana halkaasi hadalo kala duwan ka jeediyay Suldaan Xiis Barre,Chief Caaqil Caydiid Xaaji Yuusuf, Chief Caaqil Maxamed Jaamac Hadhuye, Caaqil Maxamed Cabdillahi Warsame iyo Caaqil Faarax Cabdillahi Cismaan oo sheegay in Ugaaskani uu yahay Ugaaskii u horeeyay ee Beesha Sacad Muuse, wixii ay la qaban karaana ay la qaban doonaan intii itaalkooda ah. Salaadiintan iyo Cuqaashan ayaa ugu Duceeyay Ugaaska Cusub in uu ILaahay ku asturo xilkaasi culus ee loo dhibay isla markaana uu noqdo Ugaaskani mid Dadka iyo Dalkaba wax u qabta oo ka soo xaba Xilkaasi loo dhiibay.

Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin (Jilba-dhige) oo ugu danbayn halkaasi ka hadlay oo ka waramay dareenkiisa ku aadan hawshan iyo guud ahaanba habka ay u qabsoontay waxaanu yidhi ‘ Caleemo saarka halkan la igu saaray, way Mahadsan yihiin, hawsha ay galeen iyo tacabka ay sameeyeen, nabada ay u dhacdayna waan Mahadinayaa. Waxaan halkan Hambalyo uga dirayaa Madaxwaynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, ku xigeenkiisa C/raxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Saylici) iyo Dhammaan Cuqaasha, wax-garadka, iyo Culimaa’udiinka guud ahaanba Reer Somaliland.’

Baabuur aad u tiro badan ayaa Maanta u soo galbiyay dhinaca Magaalada Hargeysa, iyaga oo ku soo wareejiyay Wadooyinka Magaalada.

maxamed warsame maantasomaliland.com)lughaya

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com