Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

(maantasomaliland )Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa wararka xanta ah ee wargeysyada ka soo baxa Ingariiska, Spain iyo Talyaaniga ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan saaka indhaha soo marmarinay.

Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ama warbaahinta ku hor qoran, Laacib.net mas’uul kama ahan.

ARSENAL:

Arsenal ayaa dooneysa inay Luis Suarez oo 26 sanno jir ah ka dhigto ciyaaryahankeeda ugu mushaharka badan hadii ay awood u yeeshaan inay kala soo wareegaan Liverpool. Wararka Uruguay ka imaanaya ayaa sheegaya in Wenger uu u diyaarayay heshiis afar sanno ah oo uu isbuucii ku qaadanayo weeraryahanka 160 kun ginni. (Metro)

Laakiin Tottenham ayaa sidoo kale laga yaabaa inay u dhaqaaqdo Luis Suarez marka Gareth Bale uu dhameystiro ku biiritaankiisa kooxda Real Madrid. (Sunday People)

Tottenham ayaa sidoo kale 15 milyan ginni ku dalbaneysa labada ciyaaryahan ee Ajax ciyaaryahanka khadka dhexe Christian Eriksen iyo daafaca Toby Alderweireld. Labada ciyaaryahan waxa ay sidoo kale diirada u saaran yihiin Liverpool. (Sunday Mirror)

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa isku dayi doona inuu heshiis 14 milyan ginni kula soo wareego ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Luiz Gustavo oo 26 sanno jir ah, ka dib markii ay ugu danbeyn kooxda qiratay inay u baahan yihiin inay lacag qarashgareeyaan xagaagan. (Mail on Sunday)

Tababaraha Man United David Moyes ayaa isku diyaarinaya dalab ka sareeya midkii hore oo uu ku doonayo ciyaaryahankiisii hore Everton ee daafaca bidix Leighton Baines oo 28 sanno jir ah. (Sunday Express)

Queens Park Rangers ayaa loo sheegay in miiska ay soo saaraan 6 milyan ginni hadii ay doonayaan weeraryahanka Tottenham Jermain Defoe oo 30 sanno jir ah. (Mail on Sunday)

Sunderland ayay qasab ku tahay inay la laabtaan dalab 2.5 milyan ginni oo kaash ah oo ay ku doonayaan Charis Mavrias hadii ay doonayaan inay la soo wareegaan 19 jirka garabka ka ciyaara ee kooxda Panathinaikos. (Sunday Mirror)

Tottenham ayaa dooneysa inay dib u soo cusbooneysiiso xiisaha xiddiga lagu qiimeeyo 8 milyan ginni ee Blackpool Tom Ince oo 21 sanno jir ah. (The Sun)

Arsenal iyo Liverpool ayaa ku dhow inay ku dagaalamaan saxiixa da’ yarka kooxda Watford ee aadka loo qiimeeyo Ogo Obi. (Sunday Mirror)

Xiddiga reer Portugal ee kooxda Real Madrid Fabio Coentrao ayaa diirada u saaran Tottenham, iyadoo heshiiska ay ku doonayaan uusan ku xirneyn kan Real Madrid ay ku dooneyso Gareth Bale. (Sunday Mirror)

Manchester United ayaa halis gelineysa inay seegaan saxiix kale oo diirada u saarnaa xagaaga hadii aysan bixinin 21.5 milyan ginni oo Benfica ay ku dooneyso daafaca Ezequil Garay. (Daily Star on Sunday)

ITALY:

Ciyaaryahanka diirada u saaran kooxaha Inter Milan iyo Napoli ee Samuel Eto’o ayaa waxaa haatan tartanka loogu jiro ku soo biirtay kooxda Mareykanka ee LA Galaxy, taasoo dooneysa inay ka faa’ideysato qorshaha Anzhi ay isaga iibineyso xiddigaheeda ugu qaalisan. (La Gazzetta della Sport)

Heshiiska amaahda ah ee ay Inter Milan kula wareegeyso da’da yarka reer Brazil ee kooxda Chelsea Wallace ayaa ah mid inta la soo gabagabeeyay oo la filayo in si rasmi ah loogu dhawaaqo isbuuca soo socda. (La Gazzetta dello Sport)

Weeraryahanka kooxda Juventus Matri ayaa ku sii jeeda Napoli, iyadoo Juve lagu waramayo inay aqbashay dalab ka yimid kooxda ka dhisan Naples. (La Gazzetta dello Sport)

AC Milan ayaa lala xiriirinayaa ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara AS Roma Borriello kaasoo kooxda caasimada ka dhisan ay suuqa kala iibsiga iska soo saartay. (La Gazzetta dello Sport)

Kooxda Napoli ayaa cadaadis ku saareysa Liverpool inay iska soo dhiibto daafaceeda Martin Skrtel kaasoo uu calaamadeystay macalinkiisii hore Rafa Benitez. (La Gazzetta dello Sport)

Juventus ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqeysa saxiixa ciyaaryahanka Napoli Zuniga, ka dibna waxa ay raadin doonaan Biabiany ama Boakye. (Tuttosport)

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay dalab rasmi ah oo 12 milyan euro ka gudbisay ciyaaryahanka Man City Aleksandar Kolarov, Inter Milan ayaa sidoo kale xiiseyneysa laakiin Juve waxa ay balanqaadi kartaaChampions League. (Football Italia)

SPAIN:

Angel Di Maria ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu ka dhaqaaqo kooxda Real Madrid xagaagan isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay Santiago Bernabeu. (Marca)

AC Milan ayaa uga digtay macalinkeedii hore Carlo Ancelotti oo haatan tababare ka ah Real Madrid inuu damac ka soo galo da’ yarka daafaca kooxda Rossoneri Mattia De Sciglio, iyadoo Milan ay rajo weyn ka leedahay da’ yarkaan. (Marca)

Arda Turan ayaa go’aansaday inuusan xagaagan ka tagin kooxda Atletico Madrid, halka kooxda lafteeda aysan dooneynin inay weyso xiddiga Turkiga. (AS)

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com