Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Liverpool Oo Laga Yaabo Inay Saxiixa Matri Ka Afduubato Napoli.

(maantasomaliland) U dhaqaaqistii Alessandro Matri ee Napoli ayaa waxaa laga yaabaa inay afduubato Liverpool madaama Juventus ay qiimihiisa ka dhigtay 12 milyan euro.

Labadii maalmood ee u danbeysay waxaa si aad ah ay u warinayeen saxaafada Talyaaniga in Juventus ay aqbashay dalab 12 milyan euro oo ka yimid Napoli.

Matri ayaana waqti u qaadanaya inuu ka fiirsado dalabkaas, laakiin jariirada Ingariiska ee Daily Mail ayaa soo jeedineysa in Liverpool ay diyaar u tahay inay soo dhexgasho wadahadaladaas daqiiqada ugu danbeysa.

Reds ayaa diyaar u ah lacagta Juve ay dooneysa oo ginni ahaan noqoneysaa 10.5 milyan.

Waxaana ay isagu soo biyo shubaneysaa arinta go’aanta Matri, kaasoo doonayaa inuu safto kulamo ka badan waqtigiisii Juventus.

Napoli waxa ay balanqaadi kartaa Champions League, laakiin waxa uu keyd u fadhin doonaa Gonzalo Higuain.

Xiddigii hore ee Cagliari oo 29 sanno jirsan doona isbuuca soo socda ayaa dhaliyay 10 gool 35 kulan uu u saftay Juve xilli ciyaareedkii hore.

abdikani kk
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com