Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha Wigan Athletic: Waan Iska Iibin Lahaa Caajislowga Wayne Rooney

(maantasomaliland) Gudoomiyaha kooxda Wigan Athletic Dave Whelan ayaa sheegay inuu iska diri lahaa Wayne Rooney hadii uu madax ka ahaan lahaa United isagoo ku eedeeyay ciyaaryahanka inuu noqday caajisloow isbuucyadii u danbeysay ee xilli ciyaareedkii hore.

Waxaana gudoomiyaha Wigan uu sheegay in Rooney uusan heleynin koox uga fiican Man United, inkastoo uu qirtay inuu 30 milyan ginni uga iibin lahaa Chelsea hadii uu isaga madax ka ahaan lahaa kooxda.

Whelan ayaa yiri sida ay qortay The Sun: “Hadii aan daacad u hadalno, xilli ciyaareedkii hore waa ay ka dantay.

“12 ama 14kii kulan ee u danbeysay waxa uu noqday mid damay.

“Waxa ka dhumay xasaamadii uu fantastik ku ahaan jiray. Waxa ay iigu muuqatay aniga in baahidiisii guusha inay meesha ka baxday.

“Waxaana uu ahaa mid yara caajisay, ma uusan dhaqdhaqaaqeynin.

“Ma aqaano hadii ay taas sabab u aheyd in Robin van Persie uu masraxa kala wareegay, laakiin waxba ma aysan aheyn madaama ay badinayeen.”

Whelan ayaa sheegay inuu Rooney iska iibin lahaa hadii uu gudoomiye ka ahaan lahaa Old Trafford laakiin waxaa uu sheegay in weeraryahanka uu bedeli karo qalbiyada taageerayaasha iyo waxa ay haatan ka aaminsan yihiin.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waa inuu goolal dhaliyo, ka dib taageerayaasha waa ay jeclaan doonaan. Waa wax sidaas u sahlan.

“Waan ka yara duwanaan lahaa sida dad badan oo kubada cagta ku dhex jira.

“Hadii uu ciyaaryahan yiraahdo waan baxayaa islamarkaana aan ku helo qiimaha saxda ah waan iska fasaxi lahaa.

“Uma maleynayo inay shaki ku jirto haatan inuusan saldhigan doonin United – sidaasi darteed muxuu rabaa?

“Lacag badan? Waxa uu isbuucii qaataa 250 kun ginni.

“Wayne waxa uu la joogaa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka, nasiib ayuuna leeyahay.

“Ma jirto meel la mid ah Manchester United, sidaasi darteed waa xaalad qariib ah, mana aqaano waxa ka soo bixi doona.”

abdikani kk
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com