Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ancelotti: Maxaan Uga Hadlayaa Gareth Bale Anigoo Ka Hadli Kara Morata iyo Jese

(maantasomaliland) Tababare Carlo Ancelotti ayaa si weyn u amaanay ciyaartoydiisa Real Madrid iyagoo shalayto Mareykanka ku garaacay kooxda Inter Milan.

Kaka, Cristiano Ronaldo iyo gool uu iska dhaliyay Ricky Alvarez ayaa Los Blancos ka saaciday inay 3-0 ku garaacaan Inter kulankoodii ugu danbeeyay ee ciyaaraha saaxiibtinimo ee xagaaga.

Waxaana tababaraha uu la dhacay qaab ciyaareedka kooxdiisa gaar ahaan ciyaartoyda da’da yar.

Laakiin ka dib kulankaas suxufiyiinta ayaa wax ka weydiiyay Ancelotti arinta Gareth Bale oo weli aan dhamaan.

“Waa maxay sababta aan maanta uga hadleyno Bale hadii Morata iyo Jese ay si aad u fiican u ciyaareen? Aad ayaan ugu faraxsanahay iyaga; aad ayay u da’ yar yihiin laakiin waxa ay leeyihiin farsamo aad u sareysa.

“Haatan wax walba waa ay fiican yihiin, waxaana ka fekereynaa kulanka axada soo socota. Diyaar ayaan u nahay. Si fiican ayaan u ciyaarnay iyo kubado weerar ah.

“Marka laga reebo kulankii Lyon, kuwaasoo si fiican u diyaargaroobay marka anaga naloo fiiriyo, si wacan ayaan u ciyaarnay kulan kasta.

“Dhamaantood waxa ay ahaayeen fantastik waxaana ay soo bandhigeen dhaqan aad u wanaagsan. Carvajal aad ayuu u fiicnaa si la mid ah Casemiro. Aad ayaan ugu faraxsanahay kooxda aan heysto.”

abdikani kk
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com