Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Pellegrini Oo Suuqa Ka Raadinaya Ciyaaryahan Uu Ku Adkeeyo Daafaca Man City

(maantasomaliland) Tababaraha kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa shaaca ka qaaday in laga yaabo inuu suuqa kala iibsiga ka doonto daafac cusub ka dib markii kooxda ay guuldarro ka soo gaartay Arsenal kulankoodii ugu danbeeyay ee saaxiibtinimo.

City ayaa guuldarro 3-1 ay ka soo gaartay Gunners kulankii shalay ka dhacay Helsinki, iyadoo Theo Walcott, Aaron Ramsey iyo Olivier Giroud ay shabaqa soo taabteen halka Alvaro Negredo uu gool kaliya u soo celiyay Sky Blues.

Inkastoo uu isbuucii hore sheegay inuu heysta kooxda ugu fiican England, Pellegrini ayaa walaac ka qaba boosaska daafaca dhexe iyadoo Matija Nastasic uu dhaawac canqowga ah la dhibtoonayo islamarkaana uusan taam noqon doonin lixda isbuuc ee soo socota.

“Waan arki doonaa isbuuca soo socda hadii aan keeni karno ciyaaryahanka aan u baahanahay” ayuu yiri Pellegrini.

“Haddii aan keeni weyno, waxaan heysanaa koox xalin karta dhibaatooyinka aan qabno. Waxaan dhibaato ka qabnaa dhanka daafaca, waana ka shaqeyn doonaa taas.

“Ma aheyn sida ugu fiican ee lagu dhameysto kulamada la isagu diyaarinayo xilli ciyaareedka cusub. Mar walba walwal ayaa igu jiray markii ay ciyaarta aheyd 3-0 laakiin waxaan ku guuldareysanay waa ciyaar saaxiibtinimo, seddex dhibcood inagama aysan dhumin, taas ayaana muhiimad ii leh.”

abdikani kk
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com