Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tata Martino: Fabregas ma ciyaari karo kulanka saaxiibtinnimo ee Spain

(maantasomaliland) Macallinka kooxda Barcelona, Tata Martino ayaa sheegay in xiddiggiisa khadka dhexe ee Cesc Fabregas uusan ka qeyb gali doonin ciyaarta saaxiibtinnimo ee toddobaadkan Spain la ciyaari doonto Ecuador kagadaal markii uu dhaawac soo gaaray.

Fabregas ayaa dhaawac dhinaca anqawga ah kasoo gaaray kulankii saaxiibtinnimo ee Barcelona galabta 3-1 kaga badisay xiddigaha Maleysia.

Cesc ayaa dhaliyay goolka koowaad ee ciyaarta, isagoo labada gool kalana gacan weyn ka geystay, hase yeeshee garoonka ayaa laga saaray daqiiqaddii 83-aad markii dhaawaca uu soo gaaray.

“Waxaa soo gaaray dhaawac daran oo anqawga ah, ma garan karo in uu ciyaari karo kulanka Ecuador, xaaladdiisa ma wanaagsana” ayuu Tata u sheegay saxafiyiinta.

Macallinka Spain ayaanan wali war kasoo saarin in Cesc uu ka tagaayo iyo in kale.

abdikani kk
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com