Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Booliska oo sheegay in ay soo qabteen lacag Been Abuur ah iyo mishiinka lagu sameeyo lacagta Fojeriga ah.

Hargaysa (maanta somaliland):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (cili kabaal) ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay qabteen mashiin ah nooca lagu smaeeyo lacagta faalsada ah ama been abuurka loo yaqaano iyo lacagta foojeriga ah ee lagu sameeyay mishinkan,isaga oo xusay taliyuhu in ay hayaan hal qof iyo baabuurkii uu watay isla markaana ay ku raad joogaan cid kale oo ku jirtay danbigan,isaga oo intaasi raaciyay taliyuhu in cidii danbigan lagu helo la marin doono sharciga.

Taliyaha ciidanka Booliska oo maanta warbaahinta kula hadlayay xarunta CID ee magaalada Hargaysa ayaa uga digay dhamaanba ganacsatada reer somaliland lacagaha wax lagaga iibsanayo iyo ta ay iayagu wax ku iibinayaan in ay si taxader leh ula socdaan, isaga oo taliyuhu tilmaamay in ay il gaara ku hayaan lacagaha foojariga ah.

Cilmi kabaal waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ay shacabka reer somaliland markasta ku baraarugsanaadaan waxyaabaha dhibaatada ku ah dalka iyo dadka loogana baahanyahay dadka shacaka ah iyo kuwa kaleba in ay soo sheegaan meel kasta oo ay ku arkaan lacagaha been abuurka ah cidii danbigaasi lagu qabtana la marin doono sharciga.

waxaa kale oo uu taliyuhu sheegay in mashiinkan ay soo qabteen uu yahay mid awood u leh in uu sawiro lacago badan oo kala duwan,waxaana uu sheegay in ay soo qabashada mishiinkan lacagta been abuurka ah sameeyaa ay ka danbaysay ka dib markii ay ciidamada boolisku sameeyeen hawl gal balaadhan oo ay maal mahanba wadeen kaasi oo ay ka fulineen meelo laga shakiyay iayaga oo markii danbena ku guulaystay in ay soo qabtaan mishiinkan hal iyo baabuurkii uu watay oo ah nooca loo yaqaano Grade.

huseen harbi
Hargaysa/office.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com