Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wakiilka difaaca kooxda Liverpool, Daniel Agger ayaa sheegay in aysan diidi doonin u dhaqaaqidda Barcelona hadii labada koox ku heshiiyaan qiimaha ciyaaryahanka, sida ay qortay Daily Mail.

(maantasomaliland) Wakiilka difaaca kooxda Liverpool, Daniel Agger ayaa sheegay in aysan diidi doonin u dhaqaaqidda Barcelona hadii labada koox ku heshiiyaan qiimaha ciyaaryahanka, sida ay qortay Daily Mail.

Agger oo dhawaan loo magacaabay kabtan xigeenka Liverpool, ayaa la aaminsan yahay in Barca ay soo gudbisay dalab 15 milyan oo gini ah oo ay ku dooneyso, inkastoo Liverpool ku adkeysaneyso in aysan helin wax dalab ah.

Barcelona ayaa sugeysa in go’aanka kama-dambeys ah kasoo baxo Luiz oo u ciyaara Chelsea oo ah dooqeeda koowaad, inkastoo macallinka Liverpool diidan yahay in Agger la gor-goriyo.

Agger ayaa u noqonaya Barcelona dooq ka raqiisan Luiz, iyadoo Rodgers ku noqon doonta dhibaato cusub hadii lasoo dalbado difaaciisa maadaama uu hadda dhib ku qabo Luis Suarez.

“Waxaan ka war qabnaa in Barca ay soo gudbisay dalab ay ku dooneyso Agger oo ay Liverpool diidday” sidaasi waxaa yiri Per Steffensen oo ah wakiilka Agger.

“Daniel wuxuu kooxda kula jiraa heshiis ka harsan 3 sano, labada koox ayay u taalaa haddii wax isbeddel ah dhacayaan” ayuu sii raaciyay.

Liverpool ayaa hadda dooneysa xiddigo daafaca ka ciyaara oo uu ka mid yahay Mamadou Sakho oo ka tirsan PSG iyo Guilherme Siquiera oo garabka daafaca bidixda uga ciyaara kooxda Garanada.

Agger ayaa ka mid ah daafacyada ugu muhimsan ee kooxda Reds, isagoo kusoo biiray sanadkii 2007-da.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:063405241

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com