Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kabtanka kooxda Man Utd, Namanja Vidic, ayaa si cad u sheegay in aysan jirin sabab uu kooxda Man Utd uga tago weeraryahanka careysan ee Weyne Rooney.

(maantasomaliland) Kabtanka kooxda Man Utd, Namanja Vidic, ayaa si cad u sheegay in aysan jirin sabab uu kooxda Man Utd uga tago weeraryahanka careysan ee Weyne Rooney.

Vidic ayaa qiray in uu aamisan yahay in aysan jirin koox ka weyn Man Utd oo uu u ciyaari lahaa Rooney, isagoo iska indha tiray daneynta kooxda uu leyliyo Mourinho ee Chelsea.

“Koox kasta waxey dooneysaa in ay heysato xiddigo Van Persie iyo Rooney oo kale ah, balse Man utd waa kooxda ugu weyn, waxaan dooneynaa in aan heysano xiddigaha ugu wanaagsan” ayuu Vidic u sheegay saxafiyiinta markii ay dhammaatay ciyaartii Wigan kaga badiyeen 2-0.

“Waxaan u maleynayaa in ciyaartoyda sar-sare ay doonayaan in ay u ciyaaraan Man Utd, taas su’aal kama taagna” ayuu sii raaciyay.

Wuxuu sheegay in kooxaha waaweyn had iyo jeer xiddigahooda wanaagsan laga hadal-haayo suuqa kala iibisga ciyaartoyda balse aysan jirin wax xaqiiq ah.

“Waa kooxda ugu wanaagsan adduunka, marka waa jiri kartaa hadal-heyn la xiriirta wuuu baxaayaa iyo wuu joogaayaa” ayuu yiri Vidic oo isaga qudhiisa marar badan magaciisa suuqa lala xiriiriyay.

“Afartii sano ee lasoo dhaafay booskaas ayaan joogay, dadku waxey hadal-haayeen in aan ka tagaayo kooxda, markii la arkay in aan wali kooxda sii joogo oo aan ku raaxeysanaayo ma jirto wax kale oo la dhaho” ayuu sii raaciyay.

Rooney ayaa ka maqnaa guushii Man Utd ku hanatay koobka Community Shield. Chelsea ayaa aad loola xiriirinayaa xiddiggan Ingiriiska u dhashay.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com