Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

iyaaryahanka khadka dhexe ee Frank Lampard ayaa sheegaya inuu taam u noqon doono kulanka kooxdiisa ay ku furaneyso xilli ciyaareedka Premier League ee axada soo socota ay la leeyihiin kooxda Hull City Tigers.

(maantasomaliland) Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Frank Lampard ayaa sheegaya inuu taam u noqon doono kulanka kooxdiisa ay ku furaneyso xilli ciyaareedka Premier League ee axada soo socota ay la leeyihiin kooxda Hull City Tigers.

35 jirkaan ayaa seegay inta badan ciyaarihii saaxiibtinimo ee Chelsea ee xagaagan sababo la xiriira dhaawac, laakiin waxa uu ka qeyb qaatay labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay Chelsea ciyaartay ee saaxiibtinimo.

Inkastoo uu kaliya ciyaaray wadar ahaan 90 daqiiqo, Lampard ayaa sheegay inuu taam ahaan doono islamarkaana diyaar u yahay kulanka Stamford Bridge ee ay ku furanayaan xilli ciyaareedka cudub ee horyaalka Ingariiska.

“Wax xanuun ah iguma hayo dhaawaca haatan. Aad ayaan u fiicanahay.” ayuu Lampard u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaan jeclahay inaan ku fekero inaan ahay nin taam ah, diyaar ayaana u noqon doonaa kulanka Hull.

“Tababar ayaan qaatay isbuucii ugu horeeyay ee kulamada xagaga iyo isbuucii ee ugu danbeyay, si adag ayaana u shaqeeyay. Si fiican ayaa isaga taxadaray, sidaasi darteed hadii tababaraha uu ii baahan yahay diyaar ayaan ahay.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com