Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumada Somaliland oo Dalka ka Mastaafurisay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Gal-mudug.

Hargeysa(maantasomaliland.com) Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay Dalka dib uga celisay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Gal-mudug Xasan Maxamud Hayl kadib markii uu laba ku xidhnaa magaaladda Hargeysa.
Xadhiga Guddoomiyaha ayaa la sheegay inay Xukuumadda Somaliland u cuskatay Ogolaansho la’aan uu Dalka ku soo galay, taasoo sababtay in lagu xidho Saldhiga Booliiska ee madaarka balse markii la ogaaday xilka uu hayo awgeed loo bedelay in lagu hayo Hotelka Ambassador halkaas oo markii danbe laga Mastaafuriyay.
Masuuliyiinta Maamul Goboleedka Gal-mudug ayaa marar hore Dalka Booqasho ku yimi, wax dhibaato ahna kalamay kulmi jirin Xukuumadda Somaliland.
Warar aanu ka helnay Maamul Goboleedka Gal-mudug ayaa sheegay Guddoomiyuhu inuu u socday Xaaskiisa iyo Carruurtiisa oo Hargeysa degan inuu booqdo balse sababta soo celintiisu ay ka dhalatay Ogolaansho la’aan uu ku yimi, inkastoo ay sheegeen inuu ahaa nin can ah ooh ore Somaliland u tagi jiray ka hor intaanu xilka qaban.
hussein harbi
maantasomaliland.com
hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com