Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciyaaryahanka Ashley Young Oo Laga Saaray Xulka England Ee Wajahaya Soctland

(maantasomaliland) Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester United Ashley Young ayaa isaga baxay xulka England ee ciyaar saaxiibtinimo arbacada kula ciyaaraya garoonk Wembley xulka Scotland.

Young ayaa dhibaato canqowga ah qabay waxaana uu seegay kulankii jimcaha ee lagu maamuusayay mustaqbalka ciyaareed ee Rio Ferdinand iyo kulankii shalayto ee Community Shield.

Iyadoo fursad yar uu u heystay inuu wajaho Scotland, Young ayaa ku laabanaya haatan kooxdiisa iyadoo daaweyn dheeri ah lagu sameyn doono ka hor kulanka ugu soo horeeya horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

“Ciyaaryahanka Manchester United Ashley Young ayaa ka baxay xulka England” ayaa lagu yiri warbixin la soo dhigay website-ka FA-ga.

“Ka dib wadahadalo dhexmaray dhaqaatiirta England iyo dhigooda kooxda United, waxaa cadaatay in Young uusan diyaar u aheyn kulanka arbacada ee Scotland.”

Bedelkiisa weli looma yeerin, inkastoo Roy Hodgson aysan taasi dhib ku heynin madaama uu haatan macalin u yahay xulka waa weyn ee England iyo xulka U21 ee England ee labadoodaba wajahaya Scotland.

abdikani kk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com